|

Madaxweyne Gaas oo kala diray golihii degaanka Badhan, maamul kumeel gaar ahna u magacaabay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ku kula diray golihii degaanka degmada Badhan, kadib markii lagu soo eedeeyey inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas ayaa wareegto kale oo midaan ku xigtay wuxuu  si ku meel gaar ah u magacaabay Gudoomiyaha iyo Ku-xigeenka gudoomiyaha degmada Badhan.

 

1. Waxaa Cabdirisaaq Axmed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Badhan.

2. Waxaa Saynab Cabdi Aar si ku meel gaar ah loogu magacaabay Ku-xigeenka gudoomiyaha degmada Badhan.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login