Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay Xeerka Macdanta iyo shidaalka iyo Xeerka sugida Amniga Garoomada Puntland
Golaha Wasiirada ee dowladda Puntland ayaa waxa ay ansixiyeen laba xeer oo kala ah ,xeerka macdanta iyo Shidaalka iyo xeerka sugida amniga Garoomada oo horey loogu qeybiyey Golaha Xukuumada ayna soo diyaariyeen Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada iyo Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland.
Xeerka Macdanta iyo Shidaalka ayaa qeexaya iswaafajinta maalgashiga iyo Shuruucda dalka, ilaalinta deegaanka iyo ka faa`ideysiga kheyraadka dihin,.
Xeerka labaad oo ah xeerka sugida amniga garoomada ayaa isna waxa uu Dhiirigelinaya hagaajinta adeegyada garoomada Puntland, waxayna golaha oo ka Duulaya dar dargelinta howlaha shaqo ee dalka ay meel mariyeen labadan xeerar.
