|

Madaxweyne Gaas oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.

Garowe (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, isagoo halkaas uga qeyb galidoona shirkii uu ugu yeeray hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu maalinta berrito ah ka furmayo magaalada Kismaayo sida ku qornaa jadwalkiisa, waxaana looga hadlidoona masiirka dowlad goboleedyada iyo arrimaha xilligaan ka taagan Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa saxaafada shir jaraa’id ugu qabanaya garoonka diyaaradaha, isagoo faahfaahin ka bixindoona shirka Kismaayo

Arrimaha aad loogu falanqayndoono shirkaan waxaa kamid ah, faragalinta qaawan oo dowladdda federalka Soomaaliya ku hayso arrimaha jubaland Jubbaland iyo fulin la’aanta heshiisyadii horey u kala saxiixdeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, sida heshiiskii amniga qaranka.

Waa Shirkii saddexaad oo ay isugu imaandoonaan hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada.

Puntlandi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login