|

Sidee magaalada Kismaayo looga dareemayaa soo dhowaynta madaxda dowlad goboleedyada?

Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa saaka laga dareemaya u diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo Madaxda dowlad-goboleedyada dalka kuwaas oo maanta imaanaya magaalada iyagoo kaga qeyb galaya Shirka Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka ee ay Jubbaland marti gellinayso markii 2-aad.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa gaarey garoonka magaalada kismayo si ay uga qayb qaatan soo dhaweynta madaxda imaanaysa waxaana guud ahaan garoonka laga dareemaya dhaqdhaqaayada ku aadan soo dhawaynta Maritida.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka iyo kooxda Baanbeyda aya ku sagan gudaha garoonka si ay salaan sharaf u siiyaan madaxda dowlad goboleedyada dalka waxaana guud ahaan la adkeeyay Ammaanka garoonka.

Dadweyne aad u fara badan ayaa taagan hareeraha laamiga dheer ee isku xira magaalada iyo garoonka iyagoo ruxaya caleema qoyan iyo boorar ay ku xardhan yihiiin erayo ka turjumaya Nabada iyo Wadanoolaanshaha dadka.

Madaxweyne Xaaf ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee gaaraya Kismaayo.

Shirka Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka aya noqonaya kii labaad ee lagu qabto Magaalada kismaayo waxii war ah ee ka soo kordha kala soco wararkeena danbe.

DAAWO SAWIRRADA.

 

 

You must be logged in to post a comment Login