|

Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS oo Xaflad Sagootin ah Loogu Sameeyey Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland, Ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynayaasha kale ee Dowladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa xalay 08 Sep 2018 xaflad sagootin ah loogu sameeeyey hoyga martida ee magaalada Kismaayo.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, siyaasiyiin, aqoon yahano, fanaaniin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo oo xafladda qayb muhiima ka qaatay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay dowladda iyo shacabka reer Jubbaland marti gelinta ay marti geliyaan markii labaad shirka Iskaashiga dawladdaha xubanaha ka ah DFS , Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si gaara mahad balaadhan ugu jeediyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo goloyaasha kale ee dawladdiisa sida wanaagsan ee ay isaga xilsareen qabsoomidda shirka iyo xafladda sagootintaba.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa xusay in shacabka reer Jibbaland iyo dowladdooduba ka muuqato bisayl dowladdnimo, u hawlgalka soo celinta wada jirkii ummadda Soomaaliyeed iyo dhismaha dowladdoodaba, si ay uga gungaadhaan siyaasadda horumarinta maamulkooda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo ka hadlay xafladda ayaa hoosta ka xariiqay in xafladdu tahay sagootinta wufuudda kala duwan ee kasoo qayb gashay shirka GIDXDFS, waxaana uu u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaanba guul, midnimo, wadajir iyo qaranimadii Soomaaliyeed oo dib loo hanto.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka reer Jubbaland inay ilaashadaan dowladdooda, kana shaqeeyaan horumaarinta arrimaha bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, nabadda iyo xasiloonida Jubbaland.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login