|

(Dhegayso ):- Wadada iskuxirta Jalam iyo Xarfo oo laami la saarayo iyo dowladda oo sheegtay in Mashruucan inta dhiman lagu dhisi doono iskutashi

Shirkada Isxilqaan oo dhisaysa jidka iskuxira  Garoowe iyo Gaalkayo ayaa sheegtay in 30kmtr oo laami ah  lasaaray wadadan , inta harsana lagu dhisi doono qaab isku tashi ah .

Nabadoon khaliif  Ow Cali oo  ah Gudoomiye kuxigeenka shirkada isxilqaan ayaa sheegay in jarmalku boqlkiiba 15 wax ka yar ay bixin jireen , halka inta soo hartayna Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ay bixin jireen.

Waxa uu sheegay in shaqada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka dhamaanayso wax kasta  ha ku qaadatee  .

Sababihii loo joojiyay mashruucan ayaa waxaa kamid ahaa sida ay Jarmalku  sheegeen in ay hoosayso tayada laamiga iyo jayga lagu dhisayo wadadan, taas oo uu beeniyay Gudoomiyaha .

Waxa uu shegay in qalabka  iyo tayada laamiga uu yahay mid wanaagsan oo laysku halaynkaro kan fiican kii shiinihu uu ku dhisay wadadan .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku jarajo wayn yihiin in ay wajigan hore ay ku soo gaba gabeeyaan bil ilaa iyo laba bilood inta udhexaysa.

Wasaarada howlaha guud iyo guryanta dowladda Puntland ayaa shalay shirkii golaha Wasiirda  ka hor sheegtay in shaqada wadan ay u socoto sidii loogu tala galay .

Halakn ka dhegayso.

 

      Nabadoon khalif Ow Cali

Sawirro .

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login