|

(Dhegayso ) Siyaasi C/raxmaan C/shakuur“ Muqdisho markaan tago waxaan samaysan doonaa ilaalo ii gaar ah , iskuma halayn karo Cidamada dowladda

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur  oo ku sugan haatan magaalada Nayroobi Caasimada dal kaasi kenya, ayaa sheegay  in marka uu ku noqdo magaalada Muqdisho uu Samaysan doono ilaalo u qaas ah oo sigi doonta amnigiisa .

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in uusan isku halayn karin in ay Amnigiisa ay sugaan ciidamada dowladda Soomalaiya .

Waxa uu shegay in uu cashar uu ka bartay weerarkii hada ka hor lagu soo qaaday hoygii uu ka daganaa magaalada Muqdisho ,wuxuuna intasi kudaray hadalkiisa in aysan dhici doonin in lagaado iyagoo dayacan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay baaritaad dhab ah ay ku sameeyaan weerarkii lagu qaaday gurigii uu Muqdisho uu ka daganaa Xildhibaan Cabdi Qaybdiid , hadiikale dowladdu ay ku dhiiranayo in ay falkaasi kula sii kacdo siyaasiyiinka Mucaaradka ku ah xukuumada.

Halakn ka dhegayso.

      Cabdiraxmaan

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login