|

Qalbi - Dhagax oo ku soo wajahan Bosaaso

C/kariin Qalbi -Dhagax oo maalmahan ku sugnaa magaalada Hargaisa ee xarunta Maamulka gooni goosadka ah ee Soomaaliland ,ayaa sheegay in safarkiisa xiga Magaalada Hargaisa uu yahay magaalooyinka Bosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.-

 

Qalbi Dhagax ayaa sheegay inta uu joogo gobolada Puntland in uu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada ,ugana mahad celin doono doorkii shariifka ahaa oo ay ka qaateen xarigiisa.

C/kariin Qalbi- Dhagax ayaa sheegay in uusan qorshaha safarkiisa ugu jirin in uu tago magaalada Muqdisho ,oo uu sheegay in ay tahay goobii Itoobiya looga dhiibay .

 

Puntlandi.com Bosaaso.

 

You must be logged in to post a comment Login