|

Madaxwenaha Puntland oo uamba baxay magaalada Garoowe

Madaxaweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas ayaa maanta ka amba baxay Magaalada Bosaaso, isagoona ku sii jeeda magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku sii hakaday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar kaar ,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka gobolka iyo kan degmada .

intii uu Madaxweynaha ku sugnaa magaalada Bosaaso waxa uu lakulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Bosaaso oo uu kala hadlay xaalada amniga ee magaalada iyo hourmarinta degmada .

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxa uu ugudbay magaalada Garoowe .

Safarka Madaxweynha ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Bosaaso ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga iyo shaqaaqadii ka dhacday Xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso .

 

You must be logged in to post a comment Login