|

DEG-DEG:- Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal oo ka hadlay iska hor imaad xalay ka dhacay Garowe.

Garowe (Puntlandi) Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal, Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad xalay saqdii dhexe dhex maray ciidamada amniga iyo dabley hubaysan oo ka ganacsada maandooriyaha.

Taliyaha ayaa sheegay iska hor imaadkaan inuu ka dambeeyay kadib markii ciidamadu ammaanku ay qaadeen howgal ka dhan ah Maandooriyaha, isagoo sheegay inay iska caabin kala kulmeen koox maandooriyaha ka ganacsada oo ay ciidamadu doonayeen inay gacanta kusoo dhigaan.

Taliye Muxyadiin waxa uu sheegay iska hor imaadkaan inay ku dhimatay qof dumar ah oo ay haleeshay rasaasta la isweydaarsanayay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ciidamada amniga ee howgalka ka qeyb qaadanayay.

Ma sheegin taliyuhu inay gacanta kusoo dhigeen kooxdii Maandooriyaha ka ganacsanaysay, balse wuxuu sheegay inay ciidamadu ammaanku qaadidoonaan tilaabooyin culus oo lagu dagaalamayo Maandooriyaha.

Goor dhow la socda muqaalka shirka jaraa’id

You must be logged in to post a comment Login