|

Puntland oo siidaysay kalluumaysato u dhashay dalka Iiran.

Bosaso (Puntlandi) Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland ayaa xabsiga Dhexe ee Boosaso ka sii deysay 17 Nin oo u dhashay dalka iiraan, kuwaas oo u xirnaa iney si sharci darro ah uga kalumeysanayeen Xeebaha Puntland.

Kalluumaysatadaan lasii daayay ayaa lagu qabtay howlgal sannadkii hore ciidanka badda Puntland ka sameeyeen xeebaha  gobolka Bari, waxaana howlgalkaasi Lagu dilay Kabtankii Doonidaasi.

Dowladda Puntland ayaa tan iyo waqtigaas gacanta ku haysay kaluumaystadaan.

Dowladda Iiran ayaa kaalin ka qaadatay sii daynta maxaabiista u dhashay dalkeeda, iyadoo horey uga codsatay Puntland in kalluumaysatadaan lasii daayo.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login