|

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii golaha wasiiradda Puntland.

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Safarkii Madaxweynaha ee Isugga Imaaraatka Carabta, Curashada Guga iyo Saamaynta Abaaraha iyo Imtixaanada Dugsiyada sare iyo Dhexe ee Puntland.

Golaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa ka dooday xaaladda amniga dalka, iyo ka hortagga cadowga ummada Puntland ee Al-shabaab, gaar ahaan waqtiga Bisha Barakeysan ee Ramadaan maadaama uu ururkaas la diriro dadka cibaadada Alle gudanaya, waxayna Dawladdu u u diyaarisay qorshe looga hortgayo dhammaan cadowga Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga war-bixiyay golaha xukuumadda  safarkii shaqo ee uu uga soo laabtay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, gaar ahaan Abu Dubai , safarkaan ayaa    kusoo dhammaaday guul iyo isfahan weyn, waxayna Dawladda Imaaraatku balan-qaaday xoojinta arrimaha   iskaashigga  amniga iyo horumarka   ee ayka wadaan Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu golaha uga war-bixiyay dhibaatada soo wajahday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, taasoo keentay in Dawladda Puntland ay si mug leh ugu doodo ummada Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Dawladda Imaaraatka xoojinta midnimada ummada Soomaaliyeed iyo fududeynta arrimaha socdaalka, dhica kale Madaxweynaha Dawladda Puntland wuxuu u sheegay golaha in dhawaan lagu dhawaaqi doono shirkadii dhisi lahayd dekadda Boosaaso.

Golaha xukuumadda ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda Arrimaha guddaha oo ka warbixisay curashada roobka guga ee deegaamada Puntland , waxayna wasaaraddu sheegatay in roobku ku yar yahay gobolada Gardafuu, Sool, Nugaal, Barri iyo Sanaag ayna abaar yihiin qaybo badan oo deegaamadaas ka mid ah, isla markaana uu ku yar yahay gugu deegaamada uu ka da’ay..

Sidoo kale waxay Wasaaradda Deegaanku ka warbixisay Biyo xireenadii ay Dowladdu saameysay sida ay u qabteen biyihii guga, waxayna wasaaraddu sheegatay in ay galeen biyo xireenada qaarkood ugu yaraan 36kun oo fuusto, taasoo ka qayb qaadan doonta biyo dhaanka waqtiyada Abaaraha.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland maadaama sabtida soo socota uu furmayo Imtixaanka sannad dugsiyeedka 2018 ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Puntland, waxayna wasaaraddu sheegtay in ay sannadkaan gaarayso ardeyda u fariisanaysa Imtixaanka 15 kun oo arday, isla markaana wuxuu ka qabsoomi doonaa 100 xarumood oo gobolada dalka ka mid ah.

Puntland.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Athayeenka  Madaxtooyada  Dawladda Puntland E-mail:  – spk.oop@plstate.so, spofgovpl@gmail.com

 

You must be logged in to post a comment Login