|

Shacabka ku nool Gobolka Shabeellaha dhexe oo la dagaamay Al-shabaab kana dilay 8 kamid ah Malayshiyaadkooda

inta laxaqiijiyay ilaa iyo 7 xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-shabaab  ayaa lagu dilay dagaal dhexmaray saaka  waa barigii  Argagixisada iyo dadka ku nool  degmada Aaadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhanka kale waxaa goobta ku guuriyooday  laba qof  oo midka mid ah   uu ahaa hogaamiyihii kooxdii la dagaalamaysay Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray  Hibaad Cali Dasar..

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay ka  gadoodeen dhibaatada ay Al-shabaab ugaysanayaan oo ay ka midtahay in xoolahooda qasab looga qaato iyo caruutooda oo la askareeyo .

Dadka shacabka ah ee iskood isku abaabulay ayaa ka codsaday dowladda Soomalaiya in ay ka taageerto dagaalkan ay lagalayaan Al-shabaab ,maadaama lagu soo weeraray xaqdaro  oo ay difaacanayaan naftooda iyo maalkoodaba.

Al-shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan waxa ay dadka si qasab ah uga qataan xoolahooda, iyagoona  sidookale dumarkana si qasab ah  ragii qabay uga ka xaysanaya una guurinaya  rag ajaaniib ah oo ka bar bar dagaalama .

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login