|

Puntland oo maanta loo fariisanayo imtixaanka shahaadiga ee sannad dugsiyeedka 2017/2018.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta furaya imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, kaasoo ah gabagabo u ah sannad dugsiyeedka 2017/2018.

15kun oo Arday ayaa u fariisanaya Imtixaankaan, kuwaas oo ka kala socda Dugsiga sare iyo dugsiga dhexe kaasi, waxaana uuka dhacayaa boqol goobood oo ka mid ah Gobolada , degmooyinka iyo Tuulooyinka Puntland

Waana Sanadkii 15aad ee Wasaarada Waxbarashada Puntland ay qaadayso Imtixaanka shaahdiga ah kaasi oo la bilaabay 2003 isla markaana la mideeyey 2012.

Sanadiiqdii Imtixaamadka ayaa dhamaan gaaray Xarumihii lagu talagalay imtixaamadka.

Dhammaan Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobollada, Kormeerayaasha, ilaaliyaasha imtixaanaadka, ardayda iyo waalidkaba , ayaa lagu wargaliyay inay nidaamka imtixaanka iyo hanaankiisa ixtiraaman.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed