|

Wajigii labaad shirkii nabadaynta Beelaha Cumar Maxamuud iyo Bahararsame oo lasoo gabagabeeyay.

Kadib toban sano oo colaad iyo gunimo ah, beelaha Walaalaha ah ee Bah-hararsame iyo Cumar Maxamuud waxay qaateen go’aan geesinimo ah oo lagu soo afjarayo colaadaas oo mudo ka socotay Hawdka u dhexeeya Burtinle iyo Saaxdheer, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa magaalada Saaxdheer ku casumay in kabada 150 ergo ah oo uu hogaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax kuwaas oo isugujiray Isimo, cuqaal iyo waxgarad ka yimid dhanka Burtinle.

Gogosha Garaadku dhigay ayaa ahayd mid aad u qurux badan waxaana labada beelood ay isku wareejiyeen Hanti iyo agabkii lagu kala qaatay dagaaladii mudada ka soconayey Deegaanadaas,waxaa sidoo kale ay dhinacyadu isla eegeen heshiisyadii horey loogaaray, qaabka bixinta magaha, labada beelood ayaa soo afjaray colaada waxaana ay gogoshani daba socotay heshiiskii Meygaagle.

You must be logged in to post a comment Login