|

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Daahfurey Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare Iyo Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 May 2018 waxaa uu furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ee Dowladda  Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ee caasidamada Dowladda Puntland uu ka furay imtixaanaadka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017-2018, iyada oo ay  ku wehelinaayeen Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare  Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Ka hor intaan Madaxweynaha Dawladda Puntland daah furin imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedkan ayaa waxaa uu Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abshir Aw Yuusuf Ciise ka warbixyey imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland oo maanta uu madaxweynuhu ka daah furey magaalada Garoowe,  iyadoona wasiirku uu sheegey in ay imtixaanka maanta ufariisanayaan 15.000 (shan iyo toban kun) oo arday oo ah boqol (100) xarumood oo ku kala yaala dhammaan goblada Puntland.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la dardaarmay ardayda sanad dugsiyeedkan kan imtixaanka u fadhiisanaysa, mar uu kala hadlay ardayda Dugsiga Sare ee Ganbool  meel fagaara ah ayaa waxaa uu ardayda kula dardaarmay.

 

Puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login