|

Qiimaha safarka Xajka ee degaanada Puntland oo hoos loo dhigay.

Sheikh Axmed Daahir iyo Shiikh Cabdirashiid Abu Saalax oo kamid ah guddi wasaaradda cadaalada Puntland kala shaqeynayay arrimaha Xajka, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Bosaso waxay sheegeen in qiimaha gudashada xajka laga dhigay $2950.

Qiimaha markii hore lagu aadi jiray Xajka marka laga tagayo degaanada Puntland ayaa ahayd  $3800, waxaana la dhimay lacag ku dhow kun dollar.

Tilabaadaan lagu dhimay qiimaha Xajka ayaa ku timid wadahadal muddo u socday shirkaddaha duulimaadyada iyo wasaaradda Diinta ee Puntland, waxaana ugu dambayn lugu heshiiyay qiimaha gudashada xajka in hoos loo dhigo lana siyaadiyo diyaaradaha xujeyda ka qaadaya Puntland.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login