|

Magaalada Gaalkacyo oo laga bilaabay olole goobaha biyaha roobka fadhiista looga saarayo.

Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa waxay gudo gashay sidii degmada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha ay bulshada aadka u isticmaalan in laga saaro biyihii uu roobka dhigay isla markaasna lagu shubo Ciid caro kaabo ah si aysan caafimaad daro ooga dhalan meeshii biyaha laga saaray.
Duqa degmada Gaalkacyo Mohamud Yaasiin Tumey ayaa waxa uu magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay in laguda galay laba asbuuc oo laqaadayo olole nadafadeed oo balaaran xalna loogu raadinayo goobaha ay biyaha fadhiistaan xilliyada roobka.
Xiliyada Roobka ayaa gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha bulshadu aadka u isticmaalaan ayaa waxaa fadhiista biyo taas oo saameyn xoogan ku yeelata isu socodka dadka iyo gaadiidka, maamulka degmada ayaase haatan wada qorshe lagu xalinayo biyahaas magaalada Fadhiisanaya xili roobaadka.
DAAWO SAWIRRADA.
Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login