|

Madaxweynaha Puntland oo ku soo wajahan magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo uu ugu amba baxay magaalada Nayroobi ee caasimada Kenya .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay ka qayb galeen shir looga hadlaayo Aayaha Madaxda mamaul goboleedyada dalka oo Nayroobi ka furmay , waxaana shirkan ka soo qaybgalay Madaxda Beesha caalamka iyo hay,adaha deeq bixiye yaasha ee caalmaka.

Madaxweynaha ayaa marka ka soo dago garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxa uu saxaafada uga warbixin doonaa safarkiisi Nayroobi iyo waxyaabihii ka so baxay shirkaasi.

Dib u soo laaba shada Madaxweyne Gaas ayaa ku soo beegmaysa xili lafilayo in magaalada Garoowe uu ka furmo shirkii Madaxda maamul goboleedyada dalka.

 

 

You must be logged in to post a comment Login