|

Ciidamada Badda Puntland iyo qalabkooda oo heegan culus la galiyay.

Taliska ciidanka badda Puntland ayaa shaaciyay in la diyaariyey dhamaan ciidankii iyo gaadiidkii badda si ay deg deg ugu hawl galaan qayla dhaan kasta oo kasoo yeerta degenaaanada lagasoo sheegayo inay ku dhufaynayso duufaanta Luubaan.

Taliska ayaa ugu baaqay dadweynaha degen deeganada xeebta in ay aad u feejignaadaan kana taxadaraan naftooda iyo hantidooda, iyadoo la filayo in duufaan roob wadata ay soo gaari karto deeganada xeebta Ku yaal sida ay saadaasha hawadu sheegeyso.

“Ciiddanka wuxuu heegan u yahay in uu u gurmado shacabkiisa hadii wax dhacaan, ilaahay ma keenee, waxaa la diyaariyey dhamaan gaadiidka badda ee uu ciiddanku adeegsado si ay deg deg ugu hawl galaan qayla dhaan kasta oo soo yeerta, degenaaan yo xasilooni ban dadkayagow idiin rajaynaynaa,” ayaa lagu yidhi warkaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed (Dhedo) ayaa maanta digniin ka diray qatarta ka dhalan karta duufaanta, isagoo si gaar ah ula hadlay shacabka ku dhaqan dhulka xeebaha iyo meelaha Godan, uguna baaqay inay muujiyaan taxadar culus.

Saadayaasha laga bixiyay Duufaanta Luubaan ayaa sheegaysay in maanta oo sabti ah iyo labada maalin ee soo socda inay ku dhufanayso qeybo katirsan gobolada Puntland ee xiga Bariga.

Puntlandi.com

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login