Breaking News : - Gudoomiyaha Aqalka Sare oo M/weynaha iyo Xukuumada u qabtay mudo 3 beri ah in ay uga soo jawaabaan cabashooyinkii Maamul Goboeedada Dalka

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo caawa shir Jaara’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumada dalku in ay mudo 3 Beri ah uga soo jawaabaan cabashooyinkii laga soo uruuriyey maamul goboleedada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ah ee hore loogu gudbiyey Madaxweynaha iyo Xukuumada Federaalka ah.
Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in kulan ay yeesheen gudiga joogtada ah ee Aqalka Sare looga hadlay caga jiidka iyo jawaab la’aanta saluuga wehesho ee Shir gudoonka Golahu kala kulmay Xafiiska Madaxweynaha iyo Xukuumada Federaalka, kuwaas oo mudo dheer ay ku qaadatay in ay ka soo jawaabaan cabashooyinkii laga soo uruuriyey Xubnaha Maamul Goboleedada Dalka.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku amaanay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleeda Dalku in ay ka ajiibeen codsi ay u jeediyeen oo ahaa in ay mudo laba jeer ah dib u dhigaan shiarkooda, inta jawaab laga helayo Madaxweynaha iyo Xukuumada, taas oo uu nasiib daro ku tilmaamay in dhinaca Madaxweynaha iyo Xukuumada jawaab laga waayey
Halkan ka daawo shirkii Jaraa’id ee Gudoomiyaha Aqalka Sare