|

Breeking News : - Xukuumada Farmaajo oo si cad dhagaha uga fureystay Dalabkii Aqalka Sare, iyo Raisal Wasaare Kheyre oo Gudi Wasiiro oo ah kuwii markii horeba Jahawareerka ka shaqeeyey u magacaabay Xalinta khilaafadka u dhaxeeya Maamul Goboleedada

Madaxweyne Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khyre ayaa si cad dhagaha uga fureystay dalabkii uga yimud Aqalka Sare ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed, kaas oo ahaa in ay mudo 3 beri ah uga soo jawaabaan cabashooyinkii laga soo uruuriyey Maamulda Dalka ee xubnaha ka ah Dawlada Federaalka Somaaliyeed

Shir gudoonka iyo Xildhibaanda Aqalka Sare ayaa Xukuumada Somaaliyeed ka rajeynaayey in masuuliyada iyo Waayeelinmo muujiyaan, isla markaan si waafi ah uga soo jawaabaan Cabashooyinka loo soo gudbiyey ee ay mudada dheer laga war sugaayey wax ka qabashadooda

Lakiin Nasiib daro Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaaraha Dawlada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda Masuuliyiin aan war ka hayn xaalada qalafsan ee Dalka ka jirta iyo dhibkii loo soo maray in dib loo yagleelo Dawladanimada Somaaliyeed ee dhaawaca xumi ku dhacay.

Ugu danbeyntii meeshii Jawaabo waafiya laga sugaayey, taas badalkeed Raisal Wasaare Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta qaaday talaabo qiiq-isku qarin ah oo rabo inuu kaga maquuryo dalabaadka uga yimid Aqalka Sare ee Dalka, isagoo halkii Jawaab laga sugaayey magacaabay gudidiyadii caanka ahaa ee ” QAWDA MAWASHII, WAXNA HA U QABAN “ Somaalidu waxay tiraa wixii aan la rabin in wax laga qabto gudi baa loo saraa

Gudida Wasiirada ah ee Raisal Wasaarahu magacaabay ayaa ah kuwii markii horeba abuuray, qeybtana ka ahaa is-mari waaga iyo khilaafadaka joogtada ah ee u dhaxeeya Hogaanka Sare ee Xukuumada Federaalka iyo Maamulada Dalka ee Xubnaha dawlada Federaalka ah ee Somaaliyeed.

Talaabadan uu Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ku magacaabay Gudida Wasiirada ah ayaa ah mid i jiid aan ku jiidee iyo gacmo daalis ah, oo marka la fiiryo shakhsiyaadka la magacaabay qaarkood, ku tusinaysa in aanay Hogaanka Sare ee dalku diyaar Dalka iyo Dadka Somaaliyeed helaan Xaslooni Siyaasadeed iyo mid Amni.

Sidoo kale Hogaanka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedada Dalka oo wakhtigan xaadirka ah shir uga socdo Magaalada Garoowe ayaa talaabadan Xukuumadu qaday ayaa ku sii riixi doonta in ay yaqiinsadaan in xaalada Dalku ku sugan yahay ay tahay ” Cidna uma maqana, Ceelna uma qodna “

Halkan ka Akhriso Qoraalka Raisal Wasaarahu ku magacaabay Gudida Wasiirada ah.

You must be logged in to post a comment Login