|

Qiso Xanuun badan : - Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Dr.Saadiq Enow oo la kulmay Dhakhtar-beenaad umadda Somaliyeed haligay


Dr.Saadiq Enow

Dhacdo kaa yaabin doonta oo uu la kulmay Dr. Sadiq Enow markii uu wasiirka caafimaadka ahaa.

Sheekada aan manta idiin wado waa dhacdo xiisa-badan oo aan la kulmay. Markay taariikhdu ahayd 12/ 3- 2015-kii, waxaa xafiiskeygii isugu yeerey dhamaan agaasimayaashii wasaaradda, Jeneraal Muxiyadiin oo ahaa ku-xigeenka ciidanka booliska, Qaan-qaa oo ahaa taliyaha biliiska gobolka iyo dhallinyaro ka socda saxaafadda. Ujeeddadu waxay ahayd in ay goob-joog ka ahaadaan wareysi aan la yeelanayo Dr. Haashim oo ahaa takhtar u dhashay dalka Kenya, kana soo shaqeeyey degaano badan oo Soomaaliya kamid ah. Takhtarkan oo gabar Soomaali ah qaba, ayaa waxay ninkeeda kula shaqaysataa in ay tahay sheybaare. Xarunta uu ka shaqaynayay waxaa lagu magacaabaa Nairobi Medical Center. Isaga iyo xaaskiisa oo qura ayaa loogu tagaa in ay dadka daaweeyaan. Subax walba iyo galab walba saf-dheer ayaa xarunta loogu jiraa.

Dr. Haashim qaabka uu wax u daweeyo waxay ahayd, wuxuu haystay agab gibin ah oo laba fiilo labada dacal kaga rakiban yihiin. Mid fiilada kamid ah waxay agabka ku xiriirisaa kombyuter. Midda kale waxay ku xiriirisaa agab kale oo qalin cayilan ah. Qofka u yimaada wuxuu weydiinayaa meesha laga hayo. Dabadeed qalinka ayuu u dhiibayaa, isaguna kombyuterka ayuu ka soo saarayaa sawirro ugu jira oo tilmaamaya xubnihii aadamiga oo xanuunsan. Tusaale-dhig, qofkii sheegta in kellida laga hayo, qalinka ayuu gacanta u gelin, markaas wuxuu kombyuterka uga soo saarayaa sawirro kala duwan oo kelyo buka ah. Wuxuu qofkii u sheegayaa in kellidiisu qaabkaas tahay, sidaa darteed uu u baahan yahay daawo uu isagu u tilmaamayo. Daawadana isaga ayaa laga iibsanayay. Waxaa intaas dheer in dadka qaarkood uu shey-baar u diro oo xaaskiisa ay ka qaaddo dhiigga, kaadida iyo saxarada.

Ninka sidaas dadka noogu daweynayay isaguna takhtar maahan, xaaskiisuna shey-baare maahan. Markaanu wareysanay wuxuu la soo baxay shahaado muujinaysa in uu ka soo baxay jaamacadda Nairobi, qaybteeda caafimaadka. Sawirkii shahaadada ayaanu u dirnay jaamacaddii. Jawaabtii ay jaamacadda nagu soo celisey waxay ahayd, sanadka uu sheegtey in uu qalin jebiyay, in uusan jirin nin magaca Haashim la yiraahdo oo jaamacadda ka qalin jebiyey. Ninkaasi sida uu xirfaddiisa uga been-sheegey ayuu magaciisa iyo diintiisa uga been-sheegey. Magaciisa Haashim ayuu ku sheegey. Lama yiraahdo ee waxaa la yiraahdaa Stephen. Islaam in uu yahay ayuu sheegtey. Maaheene wuxuu ahaa krishtaan.

Ninkaasi lacag badan ayuu ku heli jiray dad usoo doontay caafimaad. Laakiin. Middaas beddelkeeda ayay ka heli jireen oo waxay ku sumoobi jireen daawooyinka khaldan ama dhacsan oo uu dadka siin jirey. Markaan xafiiska kula kulmay wuxuu ku adkaystay in uu takhtar yahay. Markaan rusiyay jawaabtii qoraalka ahayd ee jaamacadda Nairobi aanu ka helney, jwaabtiisii waxay noqotay: Waan la yaabanahay jawaabtan. Anigu waxaan ka soo shaqeeyey Xamar, Hargeysa, Gaalkacayo iyo Laascaanood.

Waxaa halkaas ka muuqata in uu muddo aan yarayn dalka ka dhex-shaqaynayay. Dhaawac mug lehna uu gaarsiiyay dad badan ee Soomaaliyeed. Qalabkiisii ayaa miiska loo soo saaray. Waxaan ka codsaday in uu ku eego xubnaha jirkeyga gudihiisa ku jira si ay u muuqato in ay caafimaad qabaan iyo in ay xanuunsan yihiin. Waa iga aamusay. Saraakiishii biliiska ahaa ayaan ka codsaday in ay xiraan oo maxkamad u gudbiyaan dacwadiisa.

Jeneraal Muxiyadiin oo markuu iga-sii tegayay aan ku iri, ninkaan xataa magaciisii ayuu been ka sheegey oo waxaa la yiraahdaa Stephen, ayaa dib iigu soo laabtay oo intuu dhawaaqay igu yiri: Ninkaan ma Stephen-baa ?, ninkaan ma-Stephen-baa ?. Dabadeed jananku wuxuu i tusiyay farriin taleefankiisa ku jirta oo laga codsanayo nin Kenyaan ah oo la yiraahdo Stephen in uu qabto oo xiro. Laba toddobaad ayuu jananku baadi-goobayay Stephen, laakiin Dr. Haashim oo ka howlgala Nairobi Medical Center marna uma uusan muuqan Stephen.

Waxaa arintaas ka wayneed, markii gurigii Dr. Haashim la feteshey oo laga heley lacag badatay iyo bastoolado iyo rasaas.

Waa ay dhacdaa in qof bulshada u dhashay uu khiyaano kula noolaado dadkiisii. Laakiin arin aanan maanta dunida ka suuragal ahayn ayaa waxay tahay, nin shisheeye ah in uu bulsho uusan u dhalan inta dhex-yimaado been kula noolaado. Weliba uu sheegto in uu takhtar yahay oo bukaanka dawetnayo. Isla-markaas hub iyo lacag ku heysta guriga. Haddaba dhallinyaro, guri walba waa innagee aynu si ka duwan u fekerno

Qore: Dr. Sadiq Enow.

You must be logged in to post a comment Login