Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowladd goboleedyada dalka ”Ma Aqoonsan Doono Dib U Eegista Lagu Sameeyo Dastuurka Dalka”
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo maanta shirkoodii ku soo gaba gabeyay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Guddiga dib u eegista Dastuurka ay yihiin kuwo u afduuban dowladda oo Shaqadooda la heysto.
Afhayeenka Golaha Iskaashiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Golaha iskaashiga Maamul goboleedyada marnaba aysan aqbali doonin dib ueegsta lagu samaynayo Guddiga Dastuurka.
Dhanka kale Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa beesha caalamka ku dhaliilay sida ay uga aamusan tahay xad gudubka dowladda Soomaaliya ay kula dhaqmayso maamul goboleedyada iyo jabinta Dastiirkii dalka ee lagu heshiiyay ,taas oo keentay in ay dowladdu ka aamusto baaqyada ka soo baxaya Madaxda maamul goboleedyada .