|

Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyada oo samaysanaya ciidamo ugaar ah

Madaxweyne yaasha Puntland, Galmudug , Koonfur galbeed ,iyo Jubaland ayaa ku heshiiyay in ay samaystaan ciidamo ugaar ah oo isku dhaf ah kaas oo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna cadadka ciidamadn ay gaari doonaan Afar Kun oo Askari oo Maamulkiiba laga rabo kun oo Askari.

 

Madaxda ayaa ku heshiiyay in mudo laba bilood gudahood maamul kasta uu ku keeno ciidamadan.

Go,aankan ayay Madaxdu ku gaareen magaalada Garoowe kadib markii maanta lagu soo gaba gabeeyay shirkii golaha iskaashiga maamul goboleedyada .

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili maamul goboleedyada qaar ay ku soo wajahanyihiin doorashooyin ,lana fili karo in uu isbadal dhaco.

You must be logged in to post a comment Login