DEG-DEG : - Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo jawaab ka bixisay qoraalkii Villa Somaliya ku sheegtay “Xisaab celin” ( 2 sano ee ay xukunka hayeen, Xag Amni, dibu dhis Ciidan, Caafimaad, Waxbarasho waxaa naga soo gaaray 450 kun oo Dollar )
Wasaarada Maaliyada ee Dawlad Gobokeedka Somaaliyeed ee Puntland ayaa si deg deg ah uga jawaabtay qoraalkii dalbka xisaab celinta ah ee naf la caariga ah ee uu caadeystay Wasiirka naftiisa u xoogsada ee ku magacaaban Wasaarada Maaliyada Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cavdiraxmaan Beyle.
Qoraal ay soo saartay Waasaarada Maaliyada Puntland lagu muujiyey in mudadaa 2 sano ah ee xukunka Dalka ay haysay Xukuumada Farmaajo ay ka soo gaartay lacag dhan 450 kun oo Dollar.
Wasaarada Maaliyada ayaa mujisay in lacagtaas ay Xukuumada Farmaajo qeyb ka mid ah ku kabtay dhamaystirka Garoonka Dayaaradaha ee Caasimada Puntland ee Jeneral Mohamed Abshir,wakhtigii uu Madaxweyne Farmaajo booqashada ku joogay magaalada Garoowe.
Sida qoraalka ka muuqata Xukuumada Farmaajo oo boqalaal Malyuun oo Dollar ku qaadata magaca umadda Simaaliyeed ayaa ku guuldareystay in Shacbiga iyo Xukuumada Puntland a gacan ka siiso hawlaha halbowlaha u ah dawladnimada Somaaliyeed, sida sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada, dhismaha dibu dhiska iyo hawlgalinta ciidamada Sonaaliyeed, daryeelka caafimaad, kobcinta, kor uqaadida, iyo kobcinta waxbarashada iyo la tacaalida wax ka qabashada Abaaraha soo noqnoqda sannad kasta.
Mudane Wasiir Beyle waxuu ka il-duufay in Shacbiga Somaaliyeed u soo bandhigo xisaab celinta kharashaadka ku baxa Hoteelada Qaaliga ah ee ay degan yihiin Mawjadaha Qaraabada iyo Caa’iilada ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal Wasaare Kheyre markii la doortay ku soo qululaaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jira kuwa hadda soo baraarugay oo xildoon ah iyo kuwo ku magacaaban Kataliyaal, Gole-Shuuro Beeleed iyo Musdambeedka Siyaasadeed ee Xukuumada