|

Daawo : - Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo


Mudane Cali Xaaji Warsame

Mudane Dr.Cali Xaaji Warsame oo ah musharax Madaxweyne oo u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 ayaa maanta si aad u balaaran loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee Dawlad Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland.

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa hadal kooban oo mahadnaq ah u jeediyey Dadweyne aan u farabadan oo ka koobnaa qeybaha bulshada ee Gobolka Mudug, oo is soo baxa weyn iyo soo dhaweyn ku muujiyey Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf iyo gudaha magaalada Gaalkacyo.

Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa ugu horeyeen ka tacsiyeey, isla markaana sheegay in ay isaga si gaar ah u taabaneyso dadkii ehelka ahaa ku geeriyooday colaadii ka dhacday degaanka Dhumay.
Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay in caqligu shaqeeyo oo nabada la qaato,isagoo balan qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaalada lagu doonayo in nabad waarta loogu soo dabaalo colaada dabo dheeratay ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.

Sidoo kale Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa umadda Puntland iyo guud ahaan mida Somaaliyeedba ugu baaqay in ay nabdgalyada iyo midnimadooda xoojiyaan.

Halkan ka daawo soo dhaweyntii Dr.Cali Xaaji Warsame ee Gaalkacyo

You must be logged in to post a comment Login