(Sawirro) : Bangiga Amal oo lacag ku wareejiyay 20 Dumar ah oo Ganacsato yar yar ah
Bangiga Amal ayaa xaflad lacg wareerin ah u sameeyey in ka badan 20 dumarka ganacsiga yar yar ku haysta Bosaso, xafladaan lacag wareejinta ayaa bangiga ku qabtay hoolka Amal Palaza ee Xarunta Amal Bank, Bosaso.
Bangiga Amal oo ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay horumarinta bulshada; si weyna uga dhex muuqda adeegyada bulshada iyo hormarka guud ayaa ka qeyb qaadanayey horumarinta ganacsiga yar yar oo ugu horeeyo ganacsiga dumarku. Maalgelintaan fufud ayaa ganacsatada lagu siinayo lacago amaah ah oo aan faa’ido la socon (Qardu Xassan).
Barnaamijka ayaa waxaa iska kaashaday Bangiga Amal iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya
Ugu horeyn maamulaha Bangiga Amal ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari; Dr. Maxamed faahiye Ciise ayaa ka hadlay ujeedka xafladdan loo qabtay iyo sida ay shirkadda Amal uga go’antahay markasta in ay ugu horeeyso waxtarka bulshada.
Madaxa horumarinta Bangiga ee gobolka Bari iyo Sanaag Jaamac Ciise Maxamud ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkan ay la socon doonaan tababarro joogto ah iyo la talin si ay ganacsatadu hab fiican ugu maamulaan ganacsigooda.
Maxamed Cabdi Waaberi oo ka socday Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa kula dar-daaranay haweenka loo sameeyey Maalgelinta (qardu xasanka ah) in ay kaga faa’idaystaan hormarinta ganacsigooda isla markaasna ay ka faa’idaystaan aqoonta iyo tab barada la socda.
Haweenka loo sameeyey maal gelinta ayaa soo dhaweeyey, waxa ayna sheegeeen in barnaamijka uu yahay mid haweenka ku dhiiti gelinaya in ay ganacsadaan isla markana ganacsigooda hormariyaan.
Bahda Amal Group oo uu ka tirsanyahay Amal Bank ayaa inta badan ka muuqata taageerista waaxyada muhiimka ah ee bulshada sida hormarka, waxbarashada iyo caafimaadka taas oo ay inta badan bulshadu ku bogaadiyaan.
Sawiro.