|

Ciise Dholwaa ” Afhayeenka Golaha Musharixiinta Puntland ” : - Dawlada Federaalku wey ku soo duushay Puntland, Waan in Shacbiga Puntland isu tagaan Difaaca Puntland


Ciise Maxamed Faarax ( Dholwaa)

Afhayeenka Golaha Musharixiinta Puntland ( Puntland Concern Group ) Mudane Ciise Maxamed Farax (DHolwaa) ayaa shacbiga Puntland ugu baaqay in u istagaan Difacaan sharafta, Midnimada shacbiga iyo nidaamka dawliga ah ee Puntland.

Mudane Ciise Dholwaa ayaa sheegay in Xukuumada Federaalka Somaaliyeed ay dulaan qaawan ku soo qaadeen, isla markaana hanti xoogle ku bixinayaan iska horkeenka shacbiga iyo burburinta Puntland.

Mudane Ciise Dholwaa ayaa qoraal kooban oo maanta soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayuu ku sheegay in Dawlada Fedaraalku dagaal burburin ah ku wado Puntland, isagoo ugu baaqay Shacbiga Puntland in ay difacaan Puntland.

Sida laga warqabo dawlada Federaalka oo kaashaneysa wadaada kooxda Ictisaam ee ku sugan Puntland ayaa hanti badan ku bixinaaya in ay xaalad deganaansho la’aan ah ka abuuraan degaanada Puntland, wakhti Xukuumada Puntland iyo Shacbiga ku jiraan diyaargarowga wakhtiga kala guurka ee doorashooyinka madaxtinimo ee sannadka 2019.

Ma aha markii ugu horeysay ee Xukuumada dhexe ay isku daydo in dhaqaale badan ku bixiso burburinta Puntland wakhtiyada doorashooyinka, iyagoo adeegsanya kooxo calooshooda u shaqeystayaal ah iyo Kooxda Alitixaad ( Alicitisaam), kuwaas oo bilaabay sidii dhaqankoodu ahaa in ay soo racaan cadowga Puntland, iyagoo soo qaatay qandaraasyo ay ugu adeegayaan Farmaajo iyo Kheyre, isla markaan ka bilaabay Masaajidada iyo Idaacadaha Puntland kacdoono ay uga soo horjeedaan Dawlada Puntland

Ugu danbeyntii waxaa Shacbiga iyo Xukuumada Puntland waxaa waajib muqadas ku ah difaaca nabadgalyada iyo jiritaanka Puntland, iyagoo maanka ku haynaaya weedhii qaaliga aheyd ee Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee aheyd ” Gacana doorashada ugu diyaar garooba, gacana ku difaaca sharafta iyo midnimada Shacbiga Puntaland

Halkan ka dhugo qoraalka kooban ee Ciise Dholwaa

Halkan ka daawo Ex-Raisal Wasaare Ali Khalif oo qirtay in Dawlada Federaalku caado u aheyd in ay hanti ku bixso burburinta Puntland, isagoo Ali Khaliif ku been abuuranaaya Marxuumiin Muxsiniin ahaa oo waa hore dhintay, iskana difaaci karin beenta uu daldalaayo

You must be logged in to post a comment Login