|

BREAKING NEWS- Madaxweyne Shariif oo aqbalay iscasilaada xubno ka tirsan Gudigiisa Doorashada

War Deg deg ah oo kooban oo hada Warbaahinta Puntlandi.com kasoo gaaray Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aaden uu aqbalay iscasilaada ay iscasileen Xubno ka tirsan Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed oo goor dhaweyd is casilay.

Sida uu Warka naga soo gaaray Waxaa iyana soo kordhaya xubnaha is casilaya oo ka tirsanaa Gudiga Doorashada.

Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo la hadlay Puntlandi.com ayaa yiri ” Madaxweyne Shariif isagoo dareensan culayska shaqaaqada lagu hayo Gudiga Doorashada wuxuu aqbalay iscasilaadooda””

Sida Muuqata Doorashada Koonfur Galbeed ee lagu waday iney dhacdo 17/11 waxaa hada soo wajahay jahawareer Siyaasadeed.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login