Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo si adag u cambaareyay faro galinta Villa Soomaaliya ku hayso doorashada koonfur Galbeed.
Golaha iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin dowlad goboleedyada;Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay fara-gelin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-murtiyeed ka kooban oo ka soo baxay golaha islaashiga dowlad goboleedyada dalka ayay ku sheegeen in ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed loo daad-gureeyay magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu qanciyay in ay u codeeyan musharraxa ay wadato Villa Somalia,taasoo meesha ka saaraysa doorasho xor iyo xalaal u dhacda,sida war-murtiyeedka ku xusan.
Halkaan hoose ka akhriso.

Puntlandi.com