|

(Dhegayso ) Qoysaskii ku barakacay dagaalkii Dhumay oo deeq la gaarsiiyay

Ilaa 1500 oo qoys oo ka barakacay dagaaladi bishii hore ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool ayaa la gaarsiiyey Gargaarkii u horeeyey oo ah raashin, gogol iyo bustayaal, deeqdan waxaa soo diray Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Cagjar.
Gudoomiyaha deegaanka Dhumay Faarax Barre ayaa Puntlandi.com usheegay in ay jiraan kumanaan qoys oo wali aan wax gargaar ahi gaadhin marka laga tago 1500 ee hadda raashinka iyo googosha helay.
Wuxuu sheegay in dadku baahiyo badan wali ay qabaan wax ka horeeyey gargaarkan hadda la keenayna aysan jirin, wuxuuna baaq u diray cid walba oo gacan ka gaysan karta caawinta dadkan barakacay.
Deegaanada lagu barakacay oo kala duwan ayaa dadka ku barakacay waxa ay gaarayaan ilaa 6000 oo qoys oo ka barakacay 7 deegaan oo ay wada degaan labada beelood ee Dhumay ku dagaalamay dadka barakacay ayaa ku arooray ilaa 9 kaam oo kala duwan oo qaar kood dhacaan gudaha xadka Ethiopia.
      Gudoomiyaha Deegaanka dhumay

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login