|

Axmed Madoobe “Wixii qaldama waxaa masuul ka noqon doonta Dowlada dhexe,

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubalada hoose ayaa eedeen culus ujeediyay dowladda Fadaraalka Soomaaliya .

Waxa uu sheegay in ay dowladdu ay awood u isticmaalayo bur burita dowladd goboleedyada Soomaaliya .

Axmed Madoobe ayaa walaac ka muujiyay doorashada maamulka Koofur Galbeed, wuxuuna ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo.

“Wixii qaldama waxaa masuul ka noqon doonta Dowlada dhexe, sidaan hadii ay wax kusii wadaan bur bur ayey sababi doonta, mana jirto cid ay ka adkaan karaan ayuu yiri Axmed Madoobe.

 

You must be logged in to post a comment Login