Taariikhda Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo xiriirka ka dhexeeyey Sirdoonka CIA

barack obama

Puntlandi:- Barnaamijkaan waa barnaamij labo qaybood aan u qaybiney, wuxuuna ka hadlayaa Taariikhda Madaxweyne Barack Obama, aabihiis, hooyadiis iyo xiriirka reerkaan la lahaayeen Hay’ada sirdoonka Maraykanka CIA, waa taariikh xiiso badan, qaybta kowaad waatan ee akhriso, Qaybta labaadna waxaan idiinsoo gudbineynaa Jamcada 20.05.2011.

hoos ka akhriso qaybtii kowaad Ninka lagu magacaabo Wayne Madsen ayaa wuxuu ka ogaaday wararka Sirdoonka maraykanka, in xiriir ka dhaxeeyey CIA-da iyo waalidkii dhalay Obama, awoowgiis iyo ninkii guursaday hooyadiis ee u dhashay waddanka Induniisiya. Qaybtaan hore waxaan kaga hadlaynaa xiriirkii ka dhaxeeyey Aabihii dhalay Obama(Obama Sr.) iyo CIA-da, kaasoo ahaa dhaqaale la siiyey oo la doonayey inuu Keenya ka fuliyo inuu Ardayda ka horistaago inaysan raacin rayiga Midowga Soofiyeeti iyo Shiinaha . Waxay kaloo rabeen in dadka xukunka qaban doona noqdaan kuwo la wiiqo niyadooda. Madaxweynaha Obama wuxuu ka soo shaqeeyey 1983 shirkadda Business International Corporation, taasoo ah shirkad ay leedahay CIA-da, waxayna laylisyo siisaa dadka la ogyahay inay dunida xukunkeeda doorweyn ka ciyaari karaan iyo wariyayaasha uga shaqeeya CIA-da dibadda maraykanka si ay u noqdaan kuwo wariyanimo sheegta si ay sirta waddamada loo diro uga soo gudbiyaan CIA-da., taas waxay u dhigantaa sidii Hooyadiis Stanley Ann Dunham ugu shaqayn jirtay CIA-da waddanka Induniisiya 1960 kadib markii dowladda maraykanka yareeysay dadkii sirdoonka ahaa ee ugu shaqaynayey sida sirta ah shirkadaha magacyada beenta ah la siiyey ee u basaasa CIA-da, taas oo ay ka mid ahayd East-West Center oo lagu sheegi jiray inay leedahay jaamacadda Hawaay(University of Hawii), shirkadda gargaarta dowladaha soo koraya ee loo yaqaan USAID( U.S. Agency for International Development) iyo hayadda gargaarka Ford( Ford Foundation). Haweenayda Stanley (hooyada Obama) waxay isbarteen oo ay isguursadeen Lolo Soetor, waa ninkii guursaday Obama hooyadiis markii uu aabbihiis ku noqday waddaka Keenya. Stanley iyo Lolo waxay isku barteen East-West Center sanadkii 1965. Lolo wuxuu ku noqday induniisiya 1965 kadib markii ay CIA-da ku amreen inuu noqdo oo ahaana nin sare oo ciidamada Induniisiya ka shaqeeya si uu CIA-da uga caawiyo sidii loo ridi lahaa madaxweynihii markaas haystay Induniisiya ee ahaa Achmed Sukarno. Barack Hussein Obama (Aabbihii dhalay Obama)waxay isbarteen haweenayda Stanley 1959. Waxay jaamacadda Hawaay(Hawii) ka wada qaateen maadada afka Ruushka. Barack wuxuu ku jiray 295 arday (236 Rag iyo 59 haween) oo ka kala yimid waddamada Bariga Afrika. Kuwaasoo loo kala qaybiyey jaamacadaha maraykanka. Waxayna ku yimaadeen deeq ay fidisay hayadda Joseph P. Kennedy( a grant from the Joseph P. Kennedy Foundation) sida uu qoray wargeyska Reuter ee ka soo baxay Lodon 12. Sebt.1960. Barnaamijkaas oo ay wadatay CIA-da waxay uga danlahaayeen siday ugu shaqeeyaan ardaydaan, tan kalana uga dhaadhicin lahayd ardayda afrikaanka ah mabaadi`dooda ah Hantigoosiga. Waxayna kaloo wateen inay ka helaan afrika xulufo raacsan maraykanka kana soo horjeestaan Ruuska iyo Shiinaha markay helaan xornimada. Dhaqdhaqaaqaas Ardayda waxaa si xun u cambaareeyey ninka ku xiga madaxa xisbiga (Kenyan African Democratic Union (KADU), kuna sheegay in ardayda la eegayey qabiilkooda. Qabiilada Kikuuya iyo Luos ayey u badnaayeen ardayda loo qaaday maraykanka. Ninka xukuma xisbiga Kenyan African National Union (KANU), ayaa u doortay in Barack Hussein loo qaado jaamadda Hawaay(University of Hawii). Barack Hussein wuxuu ahaa nin ay u dhaxdo haweenay keenyaan ah, lehna hal wiil yar. Xaaskana waxay ahayd mid xaamila ah intuusan dhoofin. Barack Hussein wuxuu guursaday haweenayda maraykanka ah Stanley Ann Dunham 2. Febraayo 1961. Wuxuuna ahaa ardaygii ugu horreeyey ee afrikaan ah oo jaamacadda Hawaay dhigta. Stanley waxay ahayd qof uur saddex bilood ah leh intaysan guursan Barack Hussein. Uurkana uu u yeelay Barack Hussein. Ku xigaha ururka KADU Masinda Muliro ayaa Reuters u sheegay inuu doonayo inuu u dhoofo waddanka maraykanka si uu u soo ogaado in ardayda keenyaanka ah ee la siiyey deeqdaas waxbarasho yihiin kuwo doonaya inay waddankooda anfacaan iyo inkale. Mboya oo ah madaxa ururka KANU ayaa ka helay ururka deeqda bixiya ee Kennedy-Foundation lacag gaaraysa 100,000 USD(boqolkun), kadib markuu diiday inuu lacag intaas leèg siiyaan wasaaradda arimaha dibadda ee maraykanka. Wuxuu ka baqayey in haddii uu wasaaradda arimaha dibadda ka qaato lacagtaa ay dhibaato uga imaan lahayd ururkiisa waayo wuxuu ahaa urur hantiwadaag oo raacsan ruushka, waxaana lagu tirinayey ninkaan si hoose inuu ula shaqeeyo CIA-da maraykanka. Lacagta ku baxday ardaydaan afrikaanka ah ee laga qaaday keenya waxaa iska kaashaday ururka deeqda bixiya ee Kennedy-Foundation iyo ururka african-american students Foundation. Ardaydaan waxay ahaayeen kuwo marar kala duwan la qaaday. Barack Hussein kama uusan mid ahayn ardaydii markii ugu horreeysay la qaaday, ee wuxuu raacay kuwii mararkii xigay la qaaday. Ardaydii la qaaday 1959-kii ee uu qabanqaabadeedu lahaa Mboya waxay iskuugu jireen arday ka kala timid waddamada Keenya, Ugaanda, Tansaaniya (Tanganyika),Sansibaar( Zanzibar), Saambiya(Northern Rhodesia), Simbaabwi(Southern Rhodesia) iyo Malaawi(Nyasaland). Wargeyska Reuters wuxuu qoray in ardaydaas la qaadayey sida loo soo xulay aysan cajibinin ardaydii kale ee afrikaanka ahaa oo ay ciil iyo caro ka qaadeen, sidaasna waxaa yiri Muliro: “Labada qabiil ee ugu weyn Keenya ee kala ah Kikuuya iyo Luo iyo kuwo kale oo badan oo marakan la qaaday ayaa ahaa kuwo imtixaanadii loo galayey isqaadista ku guuldaraystay, meesha kuwo kalena si wanaagsan ugu guulaysteen lagana reebay bixitaankii”. Barack Hussein wuxuu la ahaa saaxiib Mboya, wuxuuna ahaa nin u dhashay qabiilka Luo. Markii la dilay Myboya 1969, Barack Hussein wuxuu ahaa markhaati ku furaha ninkii gacan ku dhiig laha ahaa. Wuxuuna sheegay laga soo bilaabo maalintaas uu markhaatiga ku furay ninkaas gacan ku dhiiglaha ahaa in lays ku dayey in isagana la dilo. Barack Hussein wuxuu jaamacadda Hawaay isaga tagay 1962, wuxuuna u badeshay jaamacadda Haafad(Harvard University). 1964 ayuu furay Sanley(hooyada madaxweynaha maraykanka), Wuxuuna markale guursaday haweenay dhigan jirtay jaamacadda Haafad oo maraykan-yuhuud ah Ruth Niedesand waxayna u raacday Keenya markuu ku noqday. Waxay u dhashay labo wiil. Iyadana way kala tageen(isfureen). Barack Hussein wuxuu noqday wasiirka dhaqaalaha iyo wasiirka Gaadiidka, wuxuuna madax ka ahaa oo kale shirkad Shiidaal. Wuxuu ku dhintay shil baabuur 1982. Aaskiisii waxaa ka soo qaybgalay madax badan oo keenyaan ah, waxaana ka mid ahaa ninkii noqday wasiirka arimaha dibadda Robert Ouko, lana dilay 1990. Warbixinta CIA-da waxaa ku cad in Mboya uu ahaa nin aad ay uga dambeyn jireen CIA-da. Mana ahayn oo kaliya Keenya inuu kasoo jaajuuso ee wuxuu ahaa nin dhammaan afrika iga soo jaajuusa CIA-da. Nin ka mid ahaan jiray CIA-da ayaa kaga warbixiyey Maqaal wargeyska CIA-da ee todobaad la ah 19.Nofeember 1959 sida uu Mboya dadka xagjirka ah sida madaxweynihii Gaana Kwame Nkrumah ee iskuugu imaanayey shirkii waddamada afrika(All-African People`s Conference (AAPC) ee ka dhacayey waddanka Tuniisiya. Maqaalkaas waxaa ku qornaa: “Si aan caadi ahayn ayuu Mboya iskuugu dhajiyey madaxweynaha Gaana isagoo iska dhigaya saaxiibkiis, doonayeyna inuu xagjirka Kwame Nkrumah wax ka ogaado una soo gubiyo sirta CIA-da waxa looga hadlayo shirkaas ugu horreeyey ee ka dhacay Akra(Accra/Ghana)AAPC” Halkaas waxaa ka bilowday wada shaqeyntii Mboya iyo CIA-da. Waxayna noqotay in wadashaqayntaas uu mirihii ka dhashay gurto Aabbaha madaxweynaha Maraykanka Barack Hussein Obama kana helay waxbarasho jaamacadda Hawaay. Hooyadiisna noqotay mid markale guursatay nin kale. Maqaal kale oo ku soo baxay wargeyska todobaadlaha ah ee CIA-da 3.Abriil 1958 ayaa lagu qoray in Mboya uu yahay nin horkacaya afrikaanka. Maqaal kale CIA-da wargeyskeeda lagu daabacay 18. Deseembar 1958 ayaa sheegay in Mboya uu yahay“ nin dhallinyara ah oo awood iyo caqli lagu hogaamiyo urur leh“ , ahna nin ka soo horjeeda xagjirka Nkrumah ee waddanka Ruuska caawinaya. Maqaal kale ee 1961 CIA-da wargeyskooda lagu qoray waxaa ka mid ahaa in Mboya uu ka qayb qaatay shirkii AAPC(All-Africa Peoples Conference) ee lagu qabtay Qaahira uu u ahaa ninka uuga soo jaajuusayey shirkaas isaga iyo Taleb Silms oo u dhashay waddanka Tuniisiya. Waxayna sheegeen in shirkaas ay ku badnaayeen dadkii Hantiwadaaga ahaa, waxaana ka mid ahaa dadkaas: Abdoulaye Diallo(oo ahaa madaxa AAPC, u dhashay waddanka Senegaal), Ahmed Bourmendjel (Aljeeriya), Mario de Andrade (Angoola), Ntau Mokhele (Lusooto), Kingue Abel (Kamaruun), Antoine Kiwewa(Koongo), Kojo Botsio(Gaana), Ismail Toure (Giniiya), T.O. Dosomu Johnson(Laaybeeriya), Modibo Diallo(Maali), Mahjoub Ben Seddik(Marooko), Djibo Bakari(Nayjar), Tunji Otegbeya (Nayjeeriya), Kanyama Chiume(Malaawi), Ali Abdullahi(Soomaaliya), Tennyson Makiwane (Koonfur afrika) iyo Mohamed Fouad Galal (U.A.E). Nkrumah waxaa la afgabiyey isagoo ku maqan waddanka Shiinaha iyo Fiyatnaam. Waxaana afgambiyey koox ay CIA-da caawinaysay. Hal sano ka hor ayaa isna Sukarno(Induniisiya) la afgambiyey , kooxda isna afgambiyey waxaa caawinayey CIA-da, waxaana ka mid ahaa ninkii guursaday Hooyada Obama ee induniisiyaanka ahaa oo u shaqaynayey CIA-da. Waxaa jiray tuhun lagu tuhunsanaa dilkii Mboya la dilay 1969 ay ka dambeeyeen dad u shaqeeya sirdoonka Shiinaha, iyagoo la shaqaynayey madaxweynihii Jomo Kenyatta. Dilkii ka dib ayaa dhammaan waddamada dunida intii markaas daljire u fadhiyey waddanka Keenya ay calankoodii hoos u dhigeen aan ka ahayn waddanka Shiinaha. Waxaa kaloo la ogaaday in sirdoonka maraykanka iyo sirdoonka Ingiriiska ay dhagaysan jireen teleefoonada dadka aan dhalashadoodu ahayn maraykanka ee ku nool waddanka Keenya. Waxaa dadkaas ka mid ahaa Barack Hussein oo teleefanadiisa la dhagaysan jiray. Qaybta labaad la soco jamcada Dambe (20.05.2011)

Both comments and pings are currently closed.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Comments are closed.