Sports:-Barcelona oo ku guuleysatey Horyaalka Kooxaha Yurub(Champion Leageu), faahfaahin buuxda iyo Sawiro

London(Pi-Sports) Tabaraha kooxda Barcelone Guardiola wuxuu yiri waxyar ka dib markii kooxdiisa ay garaacdey kooxda Manchester United oo ay halkaas ku hanteen koobkii Champion Leageu “Waxaan sii joogayaa kooxda sanadkale, sidee uga tagaa laacibiinta ay kamid yihiin Xavi Hernandez, Andres Iniesta iyo Lionel Messi” muxuuse yiri tababarihii laga badiyey Alex Ferguson…….

Kooxda kubada cagta Barcelone oo ah kooxda aduunka ugu ciyaarta fiican heysatana cilyaaryahanada aduunka ugu laacibsan, soona bandhigta ciyaarta aduunka ugu quruxda Badan ayaa xaley muujisey intaas aan soo xusey oo kooxdan isku darsatey.

Ciyaaryahanka Lionel Messi wuxuu xaley muujiyey inuu yahey Ciyaaryahanka Aduunaka ugu laacibsan xiligaan aan joogno, ama la barbar dhigi karo Maradone haduusan ba ka wanaagsaneyn, Dhamaan kooxda Barcelone waxey xaley muujisey ciyaar wanaag iyo ineysan xiligaan jirin koox u barbar dhigi karta.

Ciyaartii xaley ee Finalka Champion Leageu oo lagu qabtey garoonka weyn ee Wempleys ee magaalada London ayaa Barcelone 3-1 dhagaha uga garaacdey kooxda Manchester United.

Tabaraha Manchester United Alex Ferguson mar wax laga waydiiyey Ciyaarta wuxuu Yiri ” Waxey noola yimaadeen kubadoodii la wareejinayey , marnaba kuma aanaan guuleysan inaan celino Messi, intii aan nolosheyda tababaraha ahaa imasoo marin koox lamid ah, waa kooxdii ugu wanaagsaneyd ee indhaheygu qabtaan ama aan laciyaarno”

Tabaraha kooxda Manchester United Alex Ferguson oo ka yimid wadanka Scotland wuxuu tababare ahaa ilaa iyo 1974 tii.

Barcelone markey xaley ku guuleysatey Horyaalka kooxaha yurub (champion leageu) waxey u dabaaldagtey si cajiib ah, qaar ka mid ah Ciyaartoyda kooxda ayaa markey ciyaartu dhamaatey waxey manqas la galeen xarigii(shabaqa) goolka,halkasoo intey soo jarteen ay madax saarteen sida aad sawirka ku aragtaan, Qaar kamid ah saxaafada Ingiriiska ayaa ciwaan uga dhigey “Barcelona waxey xadey goolkii(shabaqii) Wempleys”

hoos ka daawo sawiradii ciyaarta

Puntlandi.com

sports Center

london@puntlandi.com



Both comments and pings are currently closed.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Comments are closed.