London(Puntlandi.com) Tababaraha kooxda FC Porto ayaa la wareegaya hogaanka Kooxda Chelsea,Kooxda Chelsea ayaa maanta la filayaa iney saxaafada usoo bandhigaan Tababarohooda cusub oo ah Andre Villas Boas.Tan iyo bilowgii bishan waxaa wadahadal u socdey Andre Villas Boas iyo kooxda Chelsea, inkastoo kooxda FC Port ay ku xirtey lacag badan sii deynta Villas Boas, aakhirkiise waa isku afgarteen in uu u wareego kooxda Chelsea.
Andre Villas Boas wuxuu horyaalkii hada dhamaadey kooxda FC Port uu u qaadey afar koob oo ay kamid yihiin horyaalka Portaqiiska iyo koobka Europa League.
Chelsea ayaa horyaalkii sanadkaan dhamaadey ku dhameysatey koob la’aan, waxeyna horyaalka Ingiriiska gashey kaalinta labaad.
Andre Villas Boas oo 33 jir ah wuxuu hada ka hor kalkaaliye tababare u ahaan jirey Jose Mourinhooo isagu horey Chelsea tababare ugu ahaan jirey.
Puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 










