Galkacyo(Puntlandi.com);- Waxaan oran karnaa yaa u adkaaday gacan ku haynta maamulka gaalkacyo si dhab ah ma oran karnaa Gaalkacyo waxaa ka taliya cidda amarkoodu ka fulayo.
Waxaynu gaarnay in la inagu maamulo fariin SMS (Masage) ah, waxaa la inaga jaray korontadii si la inoo laayo, maxaa tallaabo ah oo la gudboon dawladdu inay qaado?, maxaa lagudboon bulshada Gaalkacyo ku dhaqan?, waxaa xigay in waraaqo suuqa lagu daadsho lagu amrayo in laga jaro magaalada biyaha si nolosha la inooga jaro, maanta Gaalkacyo waxay maraysaa meeshii ugu xumayd taariikhda intay jirtay. Waa su’aale yay sugaysa? goor dhawna isgaarsiinta ayaa la inaga jarin, kadibna dhabarkaa la inaga raran, kadibna sidii cabiiddii baa gabdhaha keena la ina oran, {Ceesaan walba shilalkay is dhigtaa lagu gawracaa} Gaalkacyo waxay manta maraysaa, “Marka hore dabkay idin ka dhigin dumar sidiisiiye, marka xiga dushay idinka raran sida dameeraade“.
Waxaa beenawday libaax san ka taabtayaal baan nahay , birtaan calashannaa oo siliggaan ku findhicilannaa, laan dheere ayaan nahay kaadi dayadaan usoo cabnay dalkaan oo waan difaacaynaa, waxaa is waydiin mudan hubka yaal mudug ma dawladdaa leh hadday leedahay dawladdu maxay shacabkaeeda iyo xoolohooda ugu difaaci wayday, ma qabiilbaa leh hadduu qabiil leeyahay qabiilka indheergaradkiisii, culimadiisii ,saraakiishiisii baa la laynayaaye ma lagu difaacay maxay tahay sirta ciidankaas shaqada iyo wax qabadka ka hor taagan waa arrin ubaahan in la is waydiiyo.
Waxaa baraarugay bulsha waynta ku dhaqan gaalkacyo waxayna u guntadeen in isbadalka qof walba kaalintiisa ka qaato, waxaana ugu hor maray bahda saxaafadda gobolka mudug oo muujiyay mas’uuliyad, xilkasnimo, wadaniyad waxyna ku dhaqaaqeen wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada oo aan horay loo arag, waxay dhalinyaradu isku abaabuleen xaafad, xaafad iyo laan, laan, waxay sameeyeen abaabul aan horay looga samayn gobolka mudug , waxaa is abaabulay haweenka gobolka mudug, waxaa is abaabulay qaybaha bulshada oo dhan oo muujiyay inay maamulkooda naf iyo maalba lagarab istaagayaan.
Waxaan ku qanacnay in la badali karno muuqaalka madow ee mustaqbalka xun ee uu yeeshay gobolka mudug inagoo nafteena ku kalsoon, inagoo dhanna aan isku kalsoonahay, inaan iska jarno silsiladaha garba duubka inoogu xiran ee baqdinta iyo fulaynimada ina dhaxalsiiyay waxaa beenowday sumaddii awoowiyo sinji waa maguuraan war aabayaasheen fulayo miyay ahaayeen wax mayaqaano aan tashan karin miyay ahaayeen ma kuwo waraaqo suuqa lagu dadshay lagu xukumo ayay ahaayeen ma kuwo fariin lagu xukumo ayay ahaayeen oo lagu cabsi galiyo jawaabta idinkaan idindaynayaa.
waxaa xaqiiqa ah haddaynu go’aan ku gaarno inagoo isku duuban oo isku kalsoon inaynu iska dhicino, inaan iska dhicin karno kan ina dilaya ee miyi iyo magaalo iyo wadaba inagu dilaya, kan ina dilaya ee qabyaaladda inagu dilaya,kan ina dilaya ee siyaasadda inagu dilaya,kan ina dilaya isagoo dantiisa gaarka ah ilaashanaya , kan ina dilaya ee diinta inagu dilaya, dilalka gaalkacyo kadhaca waa dagaal alle lagula dirirayo maxaa yeelay qofwalba oo ladilay masaajidka ayuu usocday ama ka soo socday.
Maxaa dhiigeena sharafteena iyo maalkeena raqiiska kadhigay Maxaa waxgaradkeena,culumadeena siyaasiyiinteena, ganacsatadeena, aqoon yahankeena dhalinyaradeena loo laynayaa yaa ina dilaya, yaa ina ilaalinaya, yaa ina difaacaya, yaan sugaynaa, yaan isku hallaynaynaa, yaa inoo maqan. cidna inooma maqna ceelna inooma qodna, waa inay nu awooddeena , maalkeena iyo dadnimadeena ka faa’iidaysanaa oo adeegsanaa kana fakarnaa sidaan nabad ugu noolaan lahayn gunnimada iyo ceebta ina haysatana isaga mayri lahayn.
Gabagabadii waxaynu nahay isku cadow, waxaynu nahay isku dan, waxaynu wada saaranahay doonni qura, ogaadana bahalhiglo afqurun kuma kala tagto, danta kuma kala maarano ee aynu danteenna garano oo si wada jir ah uwada ilaashano, dantii mooge mara dug ah horteed ayuu dhamaadaa, waxaa inala gudboon in qofwalba dadaalka iyo isbadalka socda kaalinta uu ku leeyahay ka qaato, qofwalbana maalkiisa , waqtigiisa iyo garashadiisa qayb kamid ah inuu u qorsheeyo danta guud taasaynu wanaag ku gaairi karnaa.
Waxaa qoray; maxamed yuusuf jaamac tigey
Email;-mytigey101@gmail.com
RSS Feed
Posted in 











ASC marka waxxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan bahda iyo shaqaalaha ka shaqeeeya puntlandi oo runtii aan aad iyo aad uga helo wararka ay soo galiyaan oo ah kuwo runta iyo xaqiiqdaka jirta ka hadla markastana ku dhisan hab casri ah oo latest update gareeysan. waa ku mahadsan tihiin Mudanayaal iyo Marwooyin dhamaan shaqaalaha webkaan.
Mar labaad waxaan si gaar ah u salaamayaaa
maxamed yuusuf jaamac tigey, oo ah Shaqsiga runtii soo qoray maqaalkaan quruxda iyo qiimaha badan waxaan oran karaa waa muwaadin dhab ah kuna abtirsada nasab qiimo gaar ah ku leh bulshada soomaaliyeed ama dhulka soomaaliyeed iyo aduunka intaba, runtii sxb waan kaaga mahad celinayaa qoraalka runta ka hadla ee aad usoo bandhigtay dhamaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku nool Gobalka mudug iyo gGaalkacyo,
Mudane Mohamed runtii waxaa jira dad badan kula aragti ah waxaase dadka noocaas ah dhabar jab ku haya kuwo aysan ka filayn ama aysan iska ilaalinayn oo la dhashay isla mar ahaantaasna ah dib usocodyo dabadhilifyaa, ama dadka loo yaqaan caado qaaatayaasha, reer puntland ama reer mudug ama reer gaalkacyo ama soomaaliweynba ha ahaadeene.
Ugu dambayntii hadalkayga waxaan kusoo gaba gabeenayaaa ha ka daalina oo ha dhiginina dulqaadka iyo daryeelka dalkiina, diintiina, dadkii iyo dantiinaba.
Abbas Madani.
waa maqaal aad uwanaagsan waa in loo istaaga dhulka midna meesha halagu daro waxaan waraaqaha daadinaya marna dadka sms udiraya waa dad isla anaga ah anigu hada cara baabi maayo laakin shekadan anaga inagama marna nin geesinimada leh oo qaba,ilada koorfureed ah waxa samen kara majiro ee hala isku tanasulo qolaba qolada kale ha utanasusho dalkana dib haloogu istaago wabilaahi towfiiq!