London(Puntlandi.com) Waxaan halkaan idiinku heynaa xantii iyo hadalheynta ugu dambeysey ee Premei leage iyo sida loogu kala looltamayo iibsiga ciyaartoyda ee Kooxaha Horyaalka Kubada Cagta Ingiriiska iyo waliba Yurubta kale.
Arsenal/Barcelona:- Czes Fabregas ayaan wali Barcelone aysan ka quusan iney soo iibsadaan, wargeyska Telegraph ee kasoo baxa Ingiriiska wuxuu qorey in wali barca ay raajicineyso iney soo iibsato Fabregas lakiin Arsenal maxey ka tiri?
Tababarah kooxda Arsenal Arsene Wenger wuxuu sheegey inuu miiska wada hadalka fariisan karo oo kaliya hadii ay Barcelone soo saarto aduun dhan 43 milyan oo lacagta Ingiriiska ah(Pound.
Arsenal: TV-ga Sky Sports ayaa iyana sheegey xaley in Nasri uu ka socdo kooxdiisa Arsenal, inkastoo maalmahaan ay suuqa ku jirtey in Nasri uu aadayo Manchester United hadana xantaan kasoo yeertey Sky News waxey sheegeen inuu u socdo Manchester City oo iyadu dul dhigtey aduun gaaraya 20 milyan oo pound.
Chelsea ayaa ka daashey iney gacanta kusoo dhigto Ciyaaryahanka Luka Modric ee u ciyaara Tottenham waxeyna badalkiisa hada awooda isugu gaynayaan iney soo iibsadaan ciyaaryahanka Javier Pastore ee u ciyaara kooxda Palermo wadanka Talyaaniga, waxayna sida lagasoo xigtey Palermo ay bixinayaan 40 milyan haday rabaan inuu xirto maaliyada Chelsea(Funaanada), wadahadal ayaa wali u socda, waxeyna u muuqataa mid ay chelsea ku guuleysaneyso iney soo iibsato Javier Pastore.
Manchester United waxey iibsatey ciyaaryahanka David de Gea lakiin tababare Alex Ferguson wali wuxuu wareegayaa suuqa lagu iibsho ciyaartoyda kamana uusan quusan inuu gorgoriyo Samir Nasri iyo Luka Modric oo uu si aada u doonayo inuu soo iibsado.
Puntlandi.com kala soco sida lookala iibsado ciyaartooyda suuqyada Yurub
Puntlandi.com
London
RSS Feed
Posted in 










