(VIDEO) Hotel Baashe oo laga furay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland
Garowe (Puntlandi) Hotel lagu magacaabo Baashe, ayaa laga furay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana xafladii xariga looga jarayay ka qeyb galay maamulka degmada Garowe iyo marti sharaf kale oo isugu jiray ganacsato, aqonyahano, qurba joog iyo siyaasiyiin.
Baashe Siciid Xuseen Nuur oo ah mulkilaha hotelkaan, kana mid ah qurbo-joogta Puntland ee ka yimid dalka Maraykanka, ayaa sheegay hotelkaan inuu ufuray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa maagashado.
Halkaan muuqaalka iyo khudbadihii laga jeediyay.
