Qaybti labaad Gabeygi “Dhagdheer”

GABAYGII DHEGDHEER”

S1: NIMANYOHOW GU’ & DAYR WALBABA , GEEDDI BAAN NAHAYO
WAANA GAASIRNIMADEEN IN AYNAN GARAN CEEBTAN GUUNKA AHE
WAR GOORMAAN DEGEYNAA , HAYAAN GOOSANAAN-NAHAYE ?!

J1: GEYDHADA AFKAAGOO BAXDOO , GAADHA BOQONTAADA
& INAD XIL GUDANWEYDO SHACAB, GACALI KUU DHIIBTEY
SOW GORAYOHIIG MAADAN NOQON, GOOSANKAAD QIRATAY.

S2: GOOD & ABEESIYO GUNGUME, GEESO WADA YEESHAY
GUDIHIISA AQALKAY GALAAN, GURADA RAARTIISA
KII YIRI HURDAAN GAMO DUG IRI, MAAD KA GURI SHEEKO ?!

J2: AMA GUDO AMA HA GARAN XILKAAN, GUUDKA AAD SURATAY
KOL HADDAAN GAROWSHIIYO JIRIN, GABAYADA U KHAAS AH
OON LOO TIX-GELINEYN AFYARE, GALOWGA SUUGAANTA.

S3: HADBA DHIDAR LA SOO GAMEY,WAXAAN GARAB-ISTAAGNAABA
WAXAAN GEESIYOWDAA GURROO, SACAB GARAACNAABA
MAANTANA MA GODANAA, DHEGDHEER GAADAYOO SUGAYA ?!

J3: GEENYADAAN AFDUUBANE SANGIHI ,GORORSHEY LOO DIIDEY
HADDII GOWSA-WEYNOW DAMEER , LOOGU XIRAY GEEDKA
INUU BAQAL GAMMAANKEENNA NOQON ,TAA MA GARANWEYNEY.
A: gardarriyo qabiil iyo, markaan xumoh gargaarsiinney
Xaqii loo gudboonaa , markaan qolo ku gaar yeellay
ninkii gacan ku dhiigle ah ,markaan geesi ugu yeerray
guuldarradi markaan moodney libin, maanta inan gaarney
gembi aan dhammaanayn, miyaan laysku wada gooban

B: gaajiyo dagaal iyo xanuun, goorwalbaba taagan
markii kii wax garadaba la dilay, saan xal lagu gaarin
ka cad gooso mooyee ,markaan daaba garanweyney
markii aay gumaadmeen ,dad aan eedba cid u geysan
guri guri miyaan laysu dilin , Geelle & Beerle

C: guyaal iyo guyaal wuxu rafaad ,nagu dul gawriirey
gobolladi dhammaantood ,markay godobti saameysay
markii aan af garanweynayoo , khayrki laga gaabshey
gujo kulul in nala siiyo baa ,sow guddoon dhacayo
sow naar in lagu guro ,dadkaan talo ma gowriirsan

D: Islaanimadii aan goynayoo , aan isaga guurnay
markay gudub u dhaafeen ,xadkii loo gartiyo toobad
waxaan gaal ku kicin iyo , markii xumihi loo guuley
dalkii gubato nool buu noqdiyo, gaas qarxoo kale-o
geyigiiba waxaa loo beddeley , geli colaadeede
E: Soomaali gulufkii ku degey , geeljiraa wadayo
Shaydaan garruud baa qabsaday, goor arooryo aho
garwadeenku waa Ina Ibliis , naar la geligiiyo
hayeeshee in aay guul hantaan ,waa ka garannuugo
ma geyaan guddoon qaran ,illeen garanba-maayaane
F: gambo-furato gaadmiyo barer, waxay gabraartaan dad
waxay inan-gumeednimo garays , habar ka goostaanba
gumuc laysla dabagalay markuu ,ruux walbaba gaarey
guumeyskii u weynaa , ayay ugu gaduudsheeno
gaaddadiyo dhuuntiyo kelyaha, sow ma kala goynin

G: been gacan ku rimisiyo qabiil ,goortii lagu maagay
Dhammaan biri ma geydadii, markii gacalo loo laayey
waxkastooy galaafteen ma jiro, guul ay dhaliyeeno
gabbalkood wuxuu dhacay ,markii geyshash loo wacayo
wada-gooste qoonkii dulmiga, jeer ku gaamuraye
H: goroddaa la wada jaray ,dhammaan gocorradoodiiyo
Guuyadi sideedaa Shabaab , gowrac mariyeeno
gablan & waxay wada badeen ,guuldarriyo hoogoo
sidii goosan weer helay ,ayay caro gumaadaano
gafuurra-xun layeen aakhiray , wadar u guurene

I: garbadeel Shabaabaa, beddeley gaalo ka harkiiyo
waa niman garsoor & sharciga, aan meel ka soo gelino
waa niman gafuur duubta xeel , saan cidi u garano
gurigood ba’godobtii horay ,boqol gibbaareeno
geyigay isaga qayshadeen , goonyohoo idile


J: colkii koonfur kala gaabshayoo ,gudayoo duullaan ah
oo waxay gumaadaan rabaa , cayr ku soo galayo
Garoowiyo waxay marahayaan ,Gaalkacyiyo xeebo
waana niman ka ganacsada, xashiish goor & ayaano
waa niman gurracan ,oon Rabbiyo diinna garanayne

MAXAMMED XAAJI NUUR MAXAMMED
+974-55218580
mhd.h.n@live.com
DOHA - QATAR.

Both comments and pings are currently closed.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

2 Responses to “Qaybti labaad Gabeygi “Dhagdheer””

  1. M.H.N.M. says:

    Gacaliye XOGDOON mahadsanid faallada aad ka bixisay gabaygaan & xayeesiinta quruxdasanba !!!

  2. xogdon says:

    mashaa allah gabyaagu waa gabyaa guun ah gabaygaan aad bana ugu bogay meela badan ayuu ka hadlayaa oo aan marka gabyagaa waxaan lee yahay afkaaga caano lagu qabay