Somalia 50- 80 Jordan, Gabdhaha Soomaaliya oo kaalinta 4aad galay

Xulka gabdhaha Soomaaliyeed Pi

Doxa(Pi) Xulka Gabdhha kubada kolayga ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta laciyaaray gabdhaha Jordan, Gabdha Soomaaliya oo soo bandhigay ciyaar wanag ayaa nasiibku diiday, sidaas ayayna ku galeen kaalinta 4aad.

Kooxda kubada kolayga Soomaliyeed ayaa intii ay ka qaybgalayeen Ciyaaraha Carbeed ee ka socda dalka Qadar waxay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo iyagoo muujiyay xirfadoodu inay aad u sarayso.

Kaalinta y maanta galeen Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa ah mid ay aad ugu farxsanyihiin, waana markii u horaysay ee ay gabdhahaan wada ciyaaraan maadaama laga kala keenay aduunka geesihiisa, lix gabdhood waxay ka yimaadeen Soomaaliya, labo gabdhiid waxay ka yimaaden Jarmalka ,Gabar waxay ka timid wadanka Sweden halka 3 na ka yimaadeen wadanka Canada.

Mustaqbalka waxaa la hubaa in gabdhahaan ay wacdaro ka dhigi doonaan garoomada caalamka, maadaama ay hada si fiican isu ciyaar barteen ayna kaalin fiican ka gaareen Arab Games.

Puntlandi.com ayaa idiin soo gudbindoona sawiro badan oo aydaan horay u arag .

Puntlandi.com

Doho-Qadar

Both comments and pings are currently closed.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

4 Responses to “Somalia 50- 80 Jordan, Gabdhaha Soomaaliya oo kaalinta 4aad galay”

  1. mariam says:

    hadaa nahay qurba joota putlaan aad iyo aad ayaan ufaraxsana hay waa tii aanu sugaynay in aan patrool helo cadawgeena aanu aqoonsano ladaaalo hadana waanu dadaalaynaa waxaanahay dad wax bartay aqoonleh qaarkayo shaqaystay waxaan usoo soconaa dhulkeena hooyo gaar ahaan puntilaan ilaahay waxaan ka rajaynaynaa nabad waar ta iyo walwal laan ilaahayna wanu ku shugrinaynaa alhamdulilaahi rabi al caalamiin araxmaan arxiim maamlaki yuumudiin iyaaka nacbudu wa iyaaka nastaciin i hdinaa siraada almustaqiin siraada ladiina an camta calee him khaaru maqduubi caleehim wala daadliina aamiin

  2. waxaan aad ugu faraxsanahay inaa heer wanaagsan ka garnay gems arab walhi gabdhaas ma aqaan waxaan ugu mahad celiyo lkn waxaan dhahayaa wabaaya yaasheey quruxda iyo sharafta iyo karaamaha noo kenayoow allaha idin ciseeyo dham,aantiina baayo macaanto thnks allll

  3. nawaal says:

    waxa sharaf iyo wanag i ah anigoo ah nawal inan halkan uga gudbiyo gabdhaha walalahey ah ee geesiyada inana ku irahdo {MAHASANIDIIN} ,tan labad waxan raba inan irahdo {NOOLADA CAFIMAD IYO GUUL WAARTA XAGWALBA OO NOLOSHIINA AH } we love you all and we are proud of you all ! ma cabiri karo farxada aan u qabo gabdhahan walalaayaal ifka hibo ku noolada [ WAXAN KU DHJIYEY BABUURKEYGA SAWIRKIINA WAXANA RACIYEY QORAL OO AAN LABADA DHINAC IYO GADALBA KU DHAJIYEY SOMALIDA IGULA NOOL MAGALADAN TORONTO WAXAY I YERIYAN HOONKA AND I FEEL SO HAPPY ,WAXA KALOO IIGU SURAN CALANKEYGA SOMALIYEED ] VIVA ALL OF YOU LOTS OF KISSES TO ALL OF YOU !!!

    TO PUNTLANDI >>>> PLEASE NOO SOO GUDBIYA MAGACYADA GEESIYADA SOMALIYEED OO MAGACA SOOMALI KU SOO CELIYEY BULSHADA CALAMKA MARKALE 21SANO KA DIB ! NOOLAADA NAWAL

  4. Mohamed Abdulkadir says:

    fadlan naga gaarsiiya Mahad celin gabdhaha xulka soomaaliyeed dadaalka iyo cayaar wanaaga ay muujiyeen
    waxaan leenahay waad mahadsantiin 110%.