Garowe(Pi) Ciyaartii Sami finalka ee Galabta dhexmartay labada Gobol ee Karkaar iyo Mudug ayaa ahayd mid ay labada Gobol soo bandhigeen Ciyaar heer sare ah, ciyaarta ayaan waxba ka duwanayn mid final ah, oo koox walba waxay doonaysay inay iyagu usoo gudbaan finalka oo Nugaal sugaysao.(Sawirada hoos ka daawo)
Ciyaarta ayaa qaybtii hore ku dhamaatay 0-0, koox kastaana difaah iyo weerar celis ayay muujisay, inkastoo ay u ekaaayeen kuwa kala baqaya, nasashadii ka dib ayaa difaaca Gobolka Mudug galay qalad qaali ku noqday ka dib markii Garsooihii Ciyaarta uu riigoore u dhigay Gobolka Karkaar, halkaasna goolkii kowaad ay dhaliyeen Gobolka Karkaar.
post@puntlandi.com

Daqiiqado ka dib markii Riigooraha laga dhaliyey Mudug ayaa weerarka Gobolka Mudug bilaabay weerar iyo inay raadiyaan Gool barbar dhac ah, waxayna aakhirkii heleen riigoore, Ciyaartiina waxay noqotay 1-1.
Gobolka Karkaar oo weerar isdaba jooga ku hayay Mudug ayaa gool kii labaad dhalæshaday, waxayna ciyaartii noqotay 2-1, waxaana halkaas ku hartay hadal hayntii Daawashada Ciyaarajha Gobolada oo badankoodu rajaynayeeen inay Finalka ku arki doonaan Nugaal iyo Mudug, lakiin xaqiiqdii waxay noqotay in Gobolka Karkaar uu jiiro Mudug una gudbo Finalka, ciyaartiina ku dhamaato 2-1.
Finalka Waxaa isku haleelaya Nugaal iyo Karkaar.
Xulka Gobolka Mudug
Xuquuqda Sawirada waxaa iska leh Garoweonline.com
RSS Feed



Posted in 











MAANSHA ALAAH AYANLENAHAY GOBOLKA KARAAR HALKA DADAALKA KASIIWADA,,,INKASTOO KOOXDAYDI LAGA BADIYEY ,,MUDUG CAYAARIWAA GALINDAME WAXAN SUGAYNA KUWA SANADKA DANBE INAAD DADASHAN OO AYDNAN MESHA NAGU CEEBAYN,,LOL
WAA MAHAD ILAAHAY QURUXDA IYO JAWIGA NOOMUQDA OO AY SAMAYNAYAN CAYAARTOYADA PUNTLAND WAXAAN IDINLEENAHAY WAARA WELIGIIN