War deg deg…Dhagayso:- Madaxweyne Faroole oo khudbad xiiso badan u jeediyey Reer London

Faroole11111

London(Pi)Dhagayso khudbadii Madaxweyne Faroole:-Xaflad balaaran oo lagusoo dhawaynayay Madaxda Soomaaliyeed ee ka qayb gashay shirkii london ayaa caawa (24.02.2012) ka dhacday bartamaha magaalada London, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh. MM. Faroole ayaa khudbadii ugu dheereyd ka jeediyey shirka isagoo ka war bixiyay sababta ay u yimaadeen London iyo howsha ay wadaan.(Qoraalka hoostiisa ka dhagayso khudbadii oo dhamaystiran maqalna ah)

Madaxweyne Faroole wuxuu yiri “isla socodkayaga (PL,TFG, Galmudug iyo Ehlu Suna) aad aragtaan ma ahan wax ku yimid riqiis, waa wax ku yimid dadaal iyo geedisocod dheer,sidaad la socotaan mar waa lakala jeedey hadase waa la iskusoo jeestey, waayadaan dambe waan wada soconaa, meelbaan uwada jeednaa Waxaana naga dhaba ,nagan go’an intayadaan wada socota inaan Soomaaliya meel gaarsiino”.

Khudbada Madaxweyne Faroole oo sawaxanka shacabka xiiseynaya awgeed sacabku is’haystay wuxuu yir oo kale”Kumeelgaarka waa laga baxayaa , Roadmap-kii waa la saxiixey, Waxaan wada tagaynaa Soomaaliya, waxaa la sameeyey dhagaxdhigii iyo gogol dhigii iskusoo celinta Soomaaliya, waxbaa wali dhiman lakiin wadadii saxda ahayd baan ku soconaa, taasi waxay dhiiri galisay Dowladaha Caalamka oo iyana yiri Anaguna qaybtayadaan qaadanaynaa, markaas Dowladaan Qadiimka ah ee Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay qabanayaan shirkii ugu horeeyey“.

Khudbada Madaxweyne Faroole oo ahayd mid kaftan wadata ayaa soo dhaweysey shacabkii isugu yimid xaflada caawa ka dhacdey Magaalada London. Hoos ka dhagayso khudbadii oo dhamaystiran, halka aad ka dhagaysanaysaana waa Puntlandi.com

DHAGAYSO DHAGAYSO DHAGAYSO

Both comments and pings are currently closed.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

5 Responses to “War deg deg…Dhagayso:- Madaxweyne Faroole oo khudbad xiiso badan u jeediyey Reer London”

  1. saeed boosaaso says:

    Dadka u dhashay puntland ee madaxa hoos u rogaya sxb madaxa kor u qaad ilaah baa taariikh iyo shacab sharaf leh kaa dhaliyay ee jacaylka dhulkaaga mar walba ku faan kana dhexmuuqo meel kasta oo somali isugu timaado waa wax aad xaq u leedahay dadaalna ku yimid,sida madaxweynahaaga ugu kalsoonoow dhulkaaga .
    Soomaali waa ognahay oo naloo sheegi mayo waa mid qura ,diinta islaamkana risaalada dadkii ay ku soo horaysay baan ku jirnaa oo 100% reer puntland waa muslimiin ,marka toloow ummadan wareersan ee nacaybka qabiil ku jiro shaarkee noo soo gashan doonaan hada?

  2. ABU KEENADIID says:

    Faroole waa ka soo baxay waajibkii ka saarnaa Khudbadii hebeen hore ka jeediyey London, wuxuu ku saxnaa:
    1- Reer London ,, oo Tarsan & Yariisoow ay ka mid yihiin in ay Qaadeen Koobkii Qabyaalada & fadhi Ku dirirka
    2- Boosaaso & Hargiesa loo soo dumin maayo Xamar
    3- Dadkiinaan jooga madasha shirka , ma joogtaan Xamar , ee waad Riyooneysaan
    4- Dadkiinaan Deggan UK , Ilaaliya Nidaamka , Shuruucda Dalka Ingriiska oo idin siiyey Degenaasho , nolol, Caruurtiin
    OMAR SHIRWAC

  3. saeed boosaaso says:

    Libaax libaax dhalay waleeee inaad ka soo jeedaa dadkii wadaniyiinta ahaa ee reer puntland ,shakhsiyad madaxweyne oo daacad ahna way kaa muuqataa .
    Munaafaqad iyo sacab aan meel jirin bay isku maawelinayaan somalida laakiin walaahi dadka inta caqliga leh waa ku fahmeen inaad tahay somali dhab ah ,inta caqliga xuna awalba khudbadu kuma socon .

  4. Waa qudbad xigmad leh oo xaqiiqda moolo badan ka taabaneysa, mudane madaxweyne ilaahey haku dhowro waligaa jir oo joog, waxaa lagugu yaqaanaa wadanimo iyo inaad runta sidey tahay u asiibto, Viva Puntland Cadawgaa ha jabo aamin aamin …

  5. somali says:

    Faroole noolow