GALKACYO waa xarunta gobbolka mudug ee bartamaha soomaaliya ka dib burburkii dalka soomaaliya magaalada waxaa ka hana qaadey saxaafad si xowli ah hor mar u samaysay oo maalinba maalinta ka danbeysa waxaa ay magaaladu ku tilaabsanaysay hormar dhanka warbaahinta ah waxaa ay magaaladu noqotey dalka somaaliya magaaladii sedexaad ee laga furo idaacad (radio) waxaana sanaddii 1995 laga furey idaacada loogu magacdarey radio galkacyo oo noqotey halka ay kasoo baxen saxafiyiin ka tilmaaman dalka soomaaliya magac iyo sumcadna ku leh bulshada soomaaliyeed kuma aysan ekaan intaas oo kaliya hormarka saxaaafada mudug ee waxaa magaalada ay noqotey magaalada labaad ee ugu idaacadaha badan dalka soomaaliya waxaana xiligaan ka howl galla ilaa 5 idaacadood magaalada waxaa kasoo baxa joornaalllo waxaa kale oo ay magaalada ku yaalla tira xarumo tv ah,
Haddaba haddaan usoo dego u jeedada maqaalkaan 20 sanno ka dib galkacyo waxaa ay kusoo biirtey meelaha saxaafada lagu wax yeeleeyo magaaladaan oo ku can baxdey saxaafada horta ah ee madaxa banan lana oran karo waxaa ay aheyd halka ugu tixgelinta badan xagga wariyaasha ee dalka soomaaliya xaalku manta saas maahan nasiib darro labaddi sannno ee lasoo dhafey galkacyo waxaa ay noqotey meel lagu ugaarsado wariyaasha wadiniinta ah ee ka dhidhiya wax yeelada dalka iyo dadka ,
Laga soo bilaabo sanaddii 2009 waxaa ay magaaladu nqotey meel ay saxafiyiinta joogaa la kulmaan hagardaamooyin kala duwan kuwaas oo kaga imaanaya kuwa qoswadayaasha ah ee aan dooneyn nabada dalka aan soo qaato oo aan ini xasuusiyo qaar ka mid ah waxyeelloyinkii soo gaarey saxafyiinta mudug, waxaa sanaddii 2009 kii la dhaawacay maxamed yaassiin isaxaaq waxaa ayadana si barer ah oo aan gabasho laheyn xabado laagu furey wariye xoriyo abdulqaadir oo xiligaas kaso baxdey shaqo kuna sii jeedey hoyga ay ka degeneed magaalada waxaana kazoo gaarey dhaawac culus balse ilaah waa ka bad badiyey waxuushtaas oo manta waa ay nooshaha xoriyo waana alle mahadiis waxaa hameenimadii xalay la togtey oo lagu diley galkacyo wariye cali axmed abdi (caliyare) alla ha u naxariisto waxaa ay ahaayen kuwi diley wax magarato damiir laawayaal dalka iyo dadkaba kusoo dulley dana gaarana wata balse maalin un ayaa caadalada la horkeenayaa ,
Hadaba akhristow waa suurta gal in aad is weydiinayso su,aallo dhowra sida yaa ka danbeeya waxyeelooyinkaan? xagee laga soo abaabullaa? yaa fuliya ? maxaa wax loga qab waayey?
Waa hubaal in ay fuliyaan kuwa arxan laawayaasha ah ee ee 20kii sanno ee lasoo dhaafey ku dileyey saxafiyiinta ku dilayey dalka soomaaliya balse maagaladaani ay horey uga nabad qabtey balse waxaa is weydiin leh wariyaashaani waniyiintaani bulshada u adeegaaya maxaa loo difaaci waayey maxaa caadalaada loo horkeeni waayey kuwii laayey ama dhaawacay xagee jiraa doorkii maamulka ee daryeelka saxafiyiinta xataa ma maqal hal qof oo lo xirey waxyeellooyinkaas waana hubaal waxa akhyaartaan loo ugaarsanayaa in ay tahay ha wacyi galin dadka oo ha u sheegin xumaantayada aanu ka leyno inta wax ku oolka ahe si kastaba ha ahaado xaalku waxaa laga wardhowrayaa waa sida ay wax uga qabtaan maamulka gobolka waxyeelada wariyaasha waxaana hubaal ah in saxayiinta gobolka mudug aysan baqdin galineyn dilalka loo geytey halyey cali axmed cabdi oo ugu danbeey waxaa na ay noqon doontaa mid ay ka shalaayaan kuwii ka danbeey insha allaah, ugu danbeyntii waxaan kusoo gabagabeynayaa qoraalkaan fariin gaban oo aan u dirayo maamulka gobolka mudug waxana leeyaha noqda kuwa ciqaabtooda mariya cadowgii diley cali axmed
Alle ha u naxariisto cali axmed cabdi eheladii qaraabadii iyo bahda saxaadana illaahay samir iyo iimaan ha kasiiyo innaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun
Cabdiraxmaan guushaa cabdi LONDON UK
RSS Feed
Posted in 










