Galkacyo(Puntlandi.com);- Taliyihii Qaybta Policka Gobolka Mudug G/Sare Muuse Axmad C/raxmaan (Xasaasi) ayaa sheegay in uu ka tanaasulay xilkii taliska Qaybta Policka Gobolka Mudug.
Muusa Xasaasi oo Waraysi siinayay Puntlandi.com ayaa sheegay in Shacabka uu ku soo celiyay xilkii uu u hayay waxaana uu ku micneeyay iscasilaadiisa Qaladaad dhinaca sharcigaa oo kayimid Taliska Sare ee Policka Gobolka Mudug.
Xasaasi ayaa sheegay in xarumo sharci’ahaan mamulkeeda leeyhiin ciidamada Policka lagu amray in ay ku wareejiyaan mamulka Dawlada Hose ee magalada Galkacyo taa uu u arkay sharcigii oo la’baalmaray.
Taliyihii hore ayaa shacabka iyo ciidamada Policka ugu mahadceliyay sidii ay ula shaqeeyeen waxaana uu balanqaaday in uu la shaqayndoono cid kasta oo loo magacaabo xilka uu baneeyay.
Waraysiga Muusa Xasaasi Oo Dhamaystiran Goordhaw ayaan idiin Soo Gudbin Doonaa.
Ali Ahmed Abdi
RSS Feed
Posted in 













