Taxanaha Taariikhda Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf Axmed Xasan waxaan ka soo guurinay oo kasoo koobnay Buugii uu qoray Allaha u naxariistee Madaxweyne cabdullahi intuu noolaa, Bugaas waxaa ku qoran taariikh Cajiib ah oo laga soo bilaabo maalintuu dhashay ilaa Markuu shaqada joojiyey Madaxweyninimada.maalmuhuu soo maray, una soo taagnaa , Buuga oo lagu magacaabo Halgan iyo Hagardaamo, waa buug aan laga xiisa dhici karin taariikhwayna xambaarsan.
taxanaha taariikhda Madaxweyne Cabdullahi Yusuf waxaan hada diin soo gudbinaynaa Qaybtii kowaad. maalmaha soo socana Qaybaha kale.
Puntlandi.com waxaa u ogolaadey inaan qaybo kamid ah daabacno taariikhda Madaxweynaha ogolaanshana nasiiyey Tafatiraha Buuga Halgan iyo Hagardaamo Mudane Maxamed Sh. Xasan Nuur
Qaybtii Kowaad Taxanaha TaariikhdaMadaxweyna Cabdullahi yusuf 1934-2012
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu dhashay sanadkii 1934, wuxuuna ku dhashay Tuulada Birta Dheer oo ku dhow magaalada Garowe, Markuu dhalanayay ayaa Hooyadiis Bullo Nuur Seed waxay ku dhibtoonaysay oo ay fooshu haysay mudo Sadex maalmood iyo sadex habeyn, Qoyska uu ka dhashay ee Reer Yusuf Axmed waxay ahaayeen Xoolo dhaqato.
Aabihiis Yusuf Axmed Yeey wuxuu dhalay 15 wiil iyo 3 gabdhood, lakiin waxaa isaga la bah ahaa(Hooyadiis dhashay) Lix wiil iyo Labo gabdhood, cabdullaahi Yusuf isagaa ugu yaraa caruurta hooyadiis dhashay oo wuxuu ahaa Yaraankii.
Cabdullaahi Yusuf Hooyadiis waxay dhimatay isagoo 7 sano jir ah, wixii xiligaas ka dambeysey wuxuu la noolaa Walaalihiis oo Aayadiis(Bahda kale) ayaa gacanta ku haysay, hooyadiisa labaad waxaa la oran jiray Caasho Jaamac sugule.
Qiso yar habaynkii uu dhashay Cabdullahi Yusuf
Subaxnimadii Habeenkii uu Cabdullaahi Yusuf dhashay waxaa shir ku lahaa goobta uu ku dhashay meel u dhow Odoyaasha Beesha oo Aabihiis ku jiro,Odoyaasha ayaa ahaa beesha uu Cabdullaahi ka dhashay oo dhaqan ahaan ahaa kuwa hogamiya beelaha deegaanka Mudug, Odey kamid ahaa Odoyaasha oo la oran jiray Muuse-Geele oo caan ku haa Xidigeysiga(Dadka illahay heybada u siiyey inay sheegeen waxyabaha qaar) sumcad weyna xirfadiisaas ku lahaa oo badanaa waa l arki jirey wuxuu sheego.
Intaan shirku bilaaban baa Odeygii muuse-Geele ahaa inuu istaagay yiri ”Allow yaa xalay wiil u dhashay” waxaa durbadiiba istaagay Yusuf Axmed oo Cabdullahi Yusuf aabihiis ah wuxuuna yiri ”Anaa wiil ii dhashay”.
Muuse-Geele wuxuu yiri ”Imisa wiilbaa wiilka kuu dhashay Xalay ka wayn” Axmed Yusuf wuxuu yiri oo ugu jawaabay Lix”, Muuse-Geele wuxuu Yiri Axmedow ragaas oo dhan waxaa ka hana qaadi doona Wiilka xalay kuu dhashay(Cabdullahi Yusuf Axmed), wuuna nasiib badan yahay, Bulshada dhexdeedana Magac buu ku yeelan doona.
Sidii Muuse-Geele Sheegey bay kusoo dhamaatay nolosha Madaxweyen Cabdullaahi Yusuf wuxuu noqdey ninka kaliya ee Qoyskaas iska Daaye Soomaali ka dhexmuuqdey gaarayna jagada ugu sareysa e Qof gaaro, magac iyo haybadna ku lahaa.
Cabdullahi Yusuf wuxuu kusoo barbaray Miyiga, xiligaas uu yaraa waxaa miyiga ka jiray rafaad iyo nolol adag, taasoo maalin iyo habaynba shaqo lagu jirey, cabdullahi wuxuu ahaa wiil ka firfircoon caruurta ay isku Da’da yihiin, wuxuu waxka raaci jirey xoolaha, inkastoo uu shaqadaas la qayb ahaa Caruurta kale hadana wuxuu ku feer waday isagu barashada Quranka, macalnkiisii quraaanka u bilaabay waxaa la oran jirey Cabdiraxmaan Maxamed Islaan.
Noloshisii Ciidanka
1950 ayaa Cabdullaahi Magalo uu indhihiisa ku arko ugu horeysey,maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cabdullaahi iyadoon raali looga ahayn wuxuu khasab kusoo raacay Koox dhalinyaro ah oo isaga ka waaweyn kuwasoo ka koobnaa Walaalihiis iyo Ilma adeer-tiis, kuwasoo Xoolo iib ah magaalada usoo kexeeyey kadibna ay reerka cuno ugu soo iibshan lacagtaas.
Cabdulaahi Yusuf dhalinyarada la socotay aadbay uga Xoog waynaayeen, wayna ka waynaayeen, markii magaalada la yimid Magaaladaasoo ahayd Gaalkacyo,Waxaa Cabdullaahi ku dhacay amakaak, wuxuu la yabay dhismayaasha magaalada , Wadooyinka iyo Dadka farah badan ee isdhaafaya, waa markii uu horeysey ee uu Magaalo yimaado.
Raga la socay maalintaas waxay kala ahaayeen.
1- Axmed Yusuf Axmed Yeey(Diigsokeeye)(Walaalkiis ka wayn, Waxaa 1992 lagu diley Muqdisho, waxaana loo diley si bareer ah)
2- Cabdile Guuleed Yeey (Adeerkiis)
3- Aaden Yusuf Axmed Yeey(Walaalkiis)
4- Iyo Cabdi Guuleed Yeey(Adeerkiis)
Markii ay Xoolihii gadeeen ayna soo iibsadeen Badeecadii(Cuno) loosoo direy ayay arkeen meel saf loogu jiro,markii ay yimaadeen ayaa ragii Cabdullaahi la socday ka war heleen in meesha Ciidan lagu qorayo,(Wa xiligii Talyaniga oo Talyaaniga ayaa Ciidanka Qorayay),Cabdullahi iyagoon usheegin ayay safkii galeen kuna qorteen Ciidan.
Cabdullahi Yusuf wuxuu xiligaas ahaa 16 jir mana uusan aqoon ciidanku wuxuu yahay iyo sababta safka loogu jiro lakiin markuu ar kay Ragii la socday oo meel koox koox lo dhoooban yahay rag kale ku dhex jira , ayuu go’aan sadey inuusan ragiisa ka harin,Aad buu u yaraa xiligaas.
Ninkii Talyaaniga ahaa ayaa Turjubaankii Soomaaliga ahaa ku yiri qor wiilka halkaas taagan(Cabdullahi), cabdullahi ninkii Turjubaanka ahaa baa u yimid waxaana dhexmaray sheekadaan
Turjubaankii:- Waryaa ma qoraonaysaa Askarinimo
Cabdullahi(oo aan fahan sanayn waxa laga hadlayo) wuxuu ku jawaabay haa
Sidaas buuna ku qortay Askarinimo sanadkii 1950.
Cabdullaahi Yusuf mar uu ka hadlayay sababta ku kaliftay inuu askarinimada qorto wuxuu yiri
“Askarinimada uma qoran Codsigii uu iisoo jeediyey ninka Turjubaanka ahaa ee waxaan ka xumaa inaan ka haro ragaan wada soconay oo iyagu ciidanka qortay”.
Cabdullahi markaas baa ugu horeysey gaari uu raaco, waxaa isaga iyo askartii la qorey loo qaadey Baledweyne.
Cabdullaah intuu uu soo saara gaariga waxaa soo martay sheeko xiiso leh, mar uu ka hadlayay xaaladaas wuxuu yiri sedan
“Markii aan Magaalada baled weyne kusoo dhowaanay waxaaan soo galnay Dhul buura gaagaaban le, dhir dhaadhaadheer iyo dhul dooga, tog biyo marayaa(Wabiga) iyaoon circa wax rooba ka da’ayn,Qoraxduna aad u kulushahay, Waxaan ragii iga waynaa ee ila socday u sheegey inay Mucjisadan wax iiga sheegaan, iyagoo laftoodu aysan waxba igu dhaamin waxay I xasuusiyeen inaan isku meel ka nimid oo aysan dhulkaakaan waligood arag”.
Safar dheer ka dib waxaa la keeney xerada tababarka Ciidanka ee Dhanaane.
Sidaas buu askarinimada kusoo galay Alle ha u naxariistee Cabdullahi Yusuf.
Sanadkii 1954 waxaa Cabdullaahi iyo 13 dhalinyaro kale loogu qaday tababar ciidan Dalka Talyaaniga, waxaana laga dajiyey magaaladarome.
Waxay ragii lala qaaday kala ahaayeen
Maxamed Cali samatar
Maxamed Farax Caydiid
Salaad Cali gabeyre
Cabdalla Maxamed Faadil
Salaad gabeyre Kadiye
Maxamed Jamac Xarbi
Xasan Maxamed Sabriye(Gamuur)
Maxamed Nuur Maxamed(Baarqab)
Abuukar xasan weheliye()Suleey)
Ibraahim Rooble Doonyaale
Maxamed Cali sharmaake
Cilmi Nuur tarabi
Nuur Caddowcali
Iyo Abuukar Gacal Muudeey
Markay Dalka kusoo laabteen sanadkii 1956 waxaa la siiyey xidigtii kowaad, Cabdullahi Yusuf wuxuu ahaa layli sargaalkii ugu Darajada sareeyey ee tababarkaan soo qaatay,.
Cabdullahi Yusuf wuxuu taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed, Sanadkii 1964 wuxuu isagoo gaashaanle ah magaca Soomaaliya ayna soo dirtey Dowlada Soomaaliya uu heshiis Xabad joojin ah kula saxiixey saraakiil Itoobiyaan ah magaalada Dooloow, heshiiskaa waxaa lagu joojiyey Dagaal xiligaas dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sanadkii 1969 bishii disembark Markii Maxamed Siyaad bare Madaxweynaha ahaa waxaa la xirey Cabdullahi yusuf wuxuuna Xirnaa ilaa 1975, waxaa la xiraa oo ay siku Qol ahaayeen Maxamed Farax Caydiid.
Malin malmaha kamid ah ayaa Jana Ismaaciil Axmed ISmaaciil u tagay Maxamed siyaad Bare,xiligaas waxay xiraayeen Lix sano, janankii wuxuu Siyad Bare ku yiri “Madaxweyne Maxaad ka damacday Cabdullahi Yusuf iyo Caydiid” Sidaas baa lagusoo dayey.
Lasoco qybta labaad
Hadaladii Marxuumka laga dhaxlay waxaa kamid ahaa
- Itoobiya waxay danaysaa inay Dalka ka dhismaan maamulo yaryar ooaan midnimadoodu yeelan karin awood ay boorka kaga jafaan siyaasadii Soomaaliweyn oo ah laf dhuunta kaga tagan Itoobiya.
- Kenya waxay ku dadaashaa inay dhaqaale ahaan ka faa’iideysato dhibatada Soomaaliya, dhaqaalaha Soomaaliya caalamka ugu talagalay waxaa lagu maamula Kenya.
- Siyaasada Yemen ee soomaaliya ayaa ah mid aan marnaba isbadalinoo ku salaysan sidii Soomaaliya gacan loogu siin lahaa inay dhab ahaan dib isugu taagto qaranimadiina u hesho.
- Carabtu waxay Ururada Diimeedyada siiyaan dhaqaale aan sidii loo rabay loo adeegsan
- Faragalinta siyaasadeed ee Caalamka ka ga imaanaysa Soomaaliya waxaa ugu daran Masar iyo Itoobiya
RSS Feed
Posted in 











ALLAHA Unnaxariisto Halyeeygii soomaaliyeed ee qaaliga ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmad, Innagana ALLAHA Innooka Daba Naxariisto
inalillaahi wa ina illahy rajucuun waxaan tacasi balaaran halkaan uga direyaa Alaha u naxariistee halyeey buu ahaa geesinimo iyo wadeninimo janaatul fardowsa Alaaha geeyo amiin amiin amiin abdulaahi yusuf ahmed
inaa lilaahi waa inaan ilaaha rajucuun waa xubi ka baxaday somaliwaayn maanta waan waxa laga noxo waayo wuxu tariika kaga tagay umada somaliyeed Alle ha unaxariisto
inalillahi wa ina illayhi rajucun waxan tacsi balaaran halkaan uga diraynaa anagoo ah ilma maxamed aadan cilmi guuco ruqiya.ruweyda .cabdulrasaaq deeqa iyo nasra yarey qoyskii qaraabadii iyo dhamaan ehliyada guud meelkasta oo ay ku sugan yihiin muslimiinta iyo soomalida ay taabanayso geerida allaha u naxariistee cabdullahi yuusuf axmed allahna samir ha ka siiyo qoyskiis.
Allaahu Akbar:Markab jabay dheh:
Allaha U naxariistee Waxuu ahaa marxuunku Halyeey soomaaliyeed oo qaali ah,nin geesi ah,deeqsi ah, garasho dheer,mana ahayn ragga xoolaha raadsha,balwadna ma’uusan lahayn,wuxuu ahaa nin aan dadka ka faanin ama aan iska waynayn,ummadduna badankeed jeceshahay,Nasiib daro waxay ahayd xilligii uu u halgamayay soomaaliya wax u qabadkeeda,in ay ka taagnay jahawareer fara badan oo uu ugu horeeyay burburkii dalka iyo dadkaba,kaas oo ku salaysnaa wax la yiraahdo[[QABIIL]]taas oo aan loo arkayn dadaalkii uu muujinaayay Allaha u naxariisto Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed,balse ay dareemeen ummadda soomaaliyeed, ayna dib u wada xasuusan doonaan,wixii uu u qabtay dalka iyo dadka soomaaliyeed.
Hadda iyo dan,waxaan ummadda soomaaliyeed kula talin lahaa waa in laga faa’iidaystaa maamullada hadda jira oo la iska daayaa middi middi kutaaga si uu u nabadgalo dalku iyo dadkiisu,loona istaagaa waxqabadka dalka iyo ka wacyigalinta waxyeelaynta dalka iyo dadka iyo waxbaridda ubadka soo koraaya,laga faa’iidaystaa khayraadka dalku leeyahay noockastaba ha’ahaadee,bad iyo birriba,waana in la ilaawaa kooxaysiga,waana in lahelaa midnimo,wadajir,iskukalsooni,silooga baxo tafaraaruqa,iyo baahida dawladaha shisheeye aan u qabno,waxtarkooda iyo ciidamadooda,si ay uga baxaan dalkeena,maxaa yeelay siwalba waan iskufilan nahay haddaan la nimaadno daacdnimo,Alle kacabsi,dadaal iyo wadajir.
Ilaahay Ha u naxariisto mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed,hana ugu bishaareeyo Jannatul Fardawsa,kitaabkiisiina midigta Allaha kasiiyo,gadaashiisna Alle nama fidmeeyo[aamiin] xaqana Alle hayna tuso dhammaanteen[aamiin].
inaa lilaahi waa inaa ilaahay raajacuun ilaahay samir iyo imaan hayna ka wada siiyo garhaan qoyskiisa wuxuu ahaa nin wanagsaan oo ixtiraam badaan
innaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun
allaha u naxariisto marxuumka
gen. galaal waxaan leenahay
ninkii dunida loo deynayaa haygu diirsado
qofka muslimka haduu dhinto waa loo duceeyaa
wax ka sheegiisu isaga wax yeeli mayso
waxay dhibaysaa dadka nool
alaha naxriis waarta siiyo
waxaa amaan ugu filan inuusan hanti dadweyne dhunsan
waxana ka maqkhaati kacay madaxweyne shariif
oo yiri waxan haynaa deyn badan oo lagu lahaa oo aan bixinayaa
ilaahay hakawaraabiyo janatul fardoos,marxuun abdulahi yusuf ahmed,eheladisii iyo xaaskisii iyo caruurtisii iyo inta muuqaal iyo maqal u taqaanay samir iyo iimaan waarta alaha naga siiyo.dadka intiisa badan magaran karaan ninka masuulka ah waxa uu kufikirayo xiliga uu ku jiro hawsha siyaasadeed,laakiin waxay ogaadaan maeka uu tago,sida m/weyne abdulahi yusuf.
inalillahi wa ina illayhi rajucun waxan tacsi balaaran halkaan uga diraynaa anagoo ah ilma maxamed aadan cilmi guuco ruqiya.ruweyda .cabdulrasaaq deeqa iyo nasra yarey qoyskii qaraabadii iyo dhamaan ehliyada guud meelkasta oo ay ku sugan yihiin muslimiinta iyo soomalida ay taabanayso geerida allaha u naxariistee cabdullahi yuusuf axmed allahna samir ha ka siiyo qoyskiisa waxaan kaloo si gaar ah ugu tacsiyeynaynaa walaalkayo sayid cali cadullahi caynab cilmi guuco iyo xaaskiisa .marxuumkana allah kitaabkiisa gacanta midig ha ka siiyo aamiin amiin aamiin yaa rabbi
allah naxariis waarta ha siiyo cabdullahi youusuf axmed wuxuu shakhsi nagu culus dhamaantayo marka allah ayaan naxariis u waydiinaynaa aamiin yaa rabbi
halyey buu ahaa soomaalibadana way u ogsoonayd laakiin in kale oo aan garan karin ee meel soke wax ka eegaysayna waa jirtay alle ha u naxariisto qabrigana ha u waasiciyo cabdullaahi yusuf ahmed
ALAHA U NAXARIISTEE HALYEEY BUU AHAA GEESINIMO IYO WADENINIMO ISKU DARSADAY RUNTANA ILAAH KU MANAYSTAY ALAAH JANATUL FARDOWSA HA KU NAGEEYO AAMIIIN
MARKAAD I HAYSO IMA GARATID, MARKAAD I GARATANA IMA HESHID.WAXAAN ILAAHAY U WAYDIINAYAA ABDULAAHI YUSUF AHMEDINUU JANNADII FARDOWSA KA WARAABIYO.AAAAMMMMMIIIINNNN