Dhagayso Madaxweyne Faroole oo ka warbixinaya shirkii Gaalkacyo ee Arimaha geedisocodka

Puntland's Faroole

Gaalkacyo(Pi) Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa ka warbixiyey qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay shirkii ay maanta soo gabagabeeyeen Saxiixayaashii shirarkii Garowe 1 iyo Garowe 2, kuwasoo ku saabsanaa barnaamijka geedi socodka ee looga gudbayo Kumeelgaarnimada laguna galayo bilow cusub oo ah Feedaraalisamka.

Madaxweyne Faoole wuxuu sheegey in heshiisyada lagu gaaray Gaalkacyo shalay iyo maanta ay ahaayeen kuwo aan waxsaasa ka duwanayn kuwii hore lakiin qodobadii hore ayaa qaar ka mid ah wax laga badalay, Madaxweynuhu wuxuu sheegey in waxlaga badalay tirada ergooyinka ansixin doona Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub, kwuwaasoo horey u ahaa 1000 balse hada waxaa laga dhigay 825, Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegey in sidii loosoo xuli lahaa ergooyinkaas la qaban doono isimo iyo gudi soo xula ergooyinka. hoos ka dhagayso Madaxweyne Faroole.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Both comments and pings are currently closed.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Comments are closed.