Barcelona iyo FC Bayern München oo semifinalka usoo gudbay Champion Leageu, Halka AC Milan banaanka loo tuurey

barcelone

Champion Leageu:- Barcelone iyo Milan ayaa caawa wareegii labaad fooda is daray, inkastoo ciyaartii todobaadkii hore guriga AC Milan ay ku idlaatay 0-0, Bilowgii ciyaartii caawa ayaa gool riigoore ah waxaa dhalisay Barcelona, inkastoo waxyar ka dib ay AC Milan heshay gool, goolkaasoo soo celiyey rajada AC Milan, balse rajadaas ma noqon mid sii noolaata ka dib markii marlabaad riigoore laga dhigay AC Milan, waxayna ciyaartii noqotay 2-1 ay Barca ku hogaaminayso.

Daqiiqadii 53 ayaa ciyaaryahanka Iniesta wuxuu goolki 3aad u dhaliyey kooxda Barcelona, labadii gool ee riigooraha waxaa Barcelone u dhaliyay Messi, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-1 ay guushii ku raacdey Barcelone, halka AC Milan ay gurigeeda aadey.

Ciyaarta kale waxaa caawa wada ciyaarey FC Bayern München iyo Marseille, ciyaartaan kooxda Reer Faransa rajadoodu aad ayay u yarayd waayo markii hore ayaa todobaadkii hore waxaa gurigooda loogasoo badiyey 2-0, Caawa oo ay joogeen Guriga FC Bayern München, waxay Bayern ku badisey 2-0, sidaasna waxay ugu soo gudbtay FC Bayern München samifinalka.

Barcelona waxay semi finalka la ciyaaraysaa Chelcea iyo Banfeca kii soo badiya arbacada 4 april 2012, halka FC Bayern München ay sugayso Real medrid iyo Apoel Nicos, Chelsea ciyaartii todobaadkii hore waxay banfika gurigeeda uga badisey 1-0, waxaana habayn dambe lagu ciyaarayaa guriga Chelsea, halka Real oo marti u ahayd kooxda reer Qubras oo ay Real ku garaacdey 0-3 , Habeyn dambe waxaa lagu ciyaarayaa guriga Real.

Puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Leave a Reply