Jaaliyada Puntland ee Denmark(PDF) oo ka tacsiyeynaya geeridii Wasiir ku xigeenka Ciyaarha iyo Dhalinyarada Puntland

DK (Pi) Gudoomiyaha Jaaliayada Puntland ee Denmark(PDF-Danmark) isagoo ku hadlaya magaca Jaaliyada iyo kan gudiga wuxuu ka tacsiyeynayaa geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii WasaaradaSportiga iyo dhalinyarada Marxuum CISMAAN CAWED CALI oo 4 april 2012 ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.

Jaaliayadu isyagoo ka tiiraanyeysan geerida ku timid Wasiirku xigeenka waxay la qaybsanayaan shacabka iyo Dowlada Puntland tacsida, waxayna si gaar tacsi ugu dirayaan, Caruurtii, Xaaskii iyo Eheladii Marxuumka, waxayna Illaah uga baryayaaninuu samir ka siiyo, Marxuumkana janatul Fardowsa geeyo, iyo in illaahay dambigiisa dhaafo.

AAAAmiiiin

Gudoomiyaha PDF-Denmark

Cabdisalaan Ali Askar

Denmark

 

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Leave a Reply