Qore:- Mahad Jama Koronto
abbas688@hotmail.com
+252-90-708230
Madaxwaynaha Dawladda Puntland waxa uu ka sheegay Hoolkii lagu ansixinayay dastuurka Puntland in Puntland ay guurtay oo ay u guurtay meel barwaaqo ah, kana guurtay habka qabiilka.
Dhanka kale Siyaasiyiinta qaar ayaa u arka in ansixintii dastuuka Puntland ay la mid tahay markii madaxwayne C/lahi Yusuf Axmed eebbe ha u raxmadee 2001dii xilka loogu kordhiyay saddexda sano.
Shacabkuna waxa ay u hamuuman yihin in la helo axsaab siyaasadeed oo ay ku doortaan wax qabad iyo siyaasadda uu la yimid ama uu soo bandhigay, haddaba dhammaan waa wada geeddi mid lagu waxa la wada rarayaana waa hal reer meeshii roonna rabbaa og.
Ergada 480ka ah ee ansiyay dastuurka Puntland macnaheedu ma aha waxa ay u ansixiyeen si rasmi ah laakin waxa ay u ansixiyeen si Kumeel gaar ah inta laga samaynayo afti dad wayne, taasoo ah habka la doonayo in sidaan si la mid ah loo ansixiyo dastuurka Soomaaliya ee dawladda federaalka iyo maamulladu ay ku wada dhaqmi doonaan.
Waxaan rabaa in aan dulucda maqalkayga u soo daa dago.
Cigaal shiidaad ayaa waxaa laga sheegay “waan ogahay in subxaayo aysan waxba iga dhimeene waxaan ka baqaya in meeshu halaq mareen iga noqoto” Puntland ma jirto beel, siyaasi ama qolo doonaysa in ay ku celiso meeshii ay ka soo guurtay laakin waxaa cabsi leh in culaysyada jira ee ay ka mid tahay:-
Al-shabaab oo deegaannadii Puntland qaybo ka mid ah fariisimo ka dhigtay.
Dawladda oo lacago cusub oo laga yaabo in ay sicir barar keenaan soo wadda.
Axsaabta in la furo oo hawl shaqadadeeda u baahan ah.
Ansixinta dastuurka federaalka iyo habka kala guurka ah
Kala guurka Soomaaliya ku soo fool leh bisha Ogoust
iyo arrimo kale haddii ay ku darsamaan qalaalase siyaasadeed oo dalku uu galo waxaa laga yaaba in culaysyada is biirsaday ay mushkilado hor leh keenaan.
Markasta waa hubaal in Shacabku aanay helin daryeel intii ay u baahnaayeen, aysan gaarin meeshii la rabay in uu gaarsiiyo maamul 15jir ku dhow, ammaan ku filan aysan haysan horumar ballaaranna aan la gaarin, laakin haddana waxaa taas barbar socda in inta Puntland ka jirtaa aysan gobollo badan ka jirin, haddana aysan dad badan oo Soomaaliyeed haysan.
Shabackan Puntland waxan ugu baaqayaa:-
Shirkii furitaanka ansixinta iyo xiritaankaba waxaa joogay oo raalli ka aha, wax ka ansixiyay oo ka duceeyay isimadii ugu qiimaha badnayd deegaannada Puntland.
Waxaa joogay oo ansixyay ergo ka kooban 472 kuwaasoo laga kala keenay gobolada Puntland oo dhan, haddaba geeddiga uu madaxwaynuhu sheegay aan ka dhursugno meesha uu nagu furo, iyada oo laga yaabo in uu inoo horseedo khayr iyo barwaaqo.
Dawladdana waxaan ugu baaqayaa, Fulay Xantii ma mooga, waadna ka warhaysaan xaaladda dalka ee wax badan inaad badashaaan baa la idinka sugayaa, ogaada wax laga baqana mas`uuliyadda iyo ammaanada dadku kuu dhiibtaanayaa ugu daran.
Waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa “Ninkii Samraa Sadkiis hela” marka “ Allow reergan Geeddiga ah meel San ku fur”
Mahad Jama Koronto
abbas688@hotmail.com
+252-90-708230
RSS Feed
Posted in 











mahad,maqaalkaad qortay waa loo baahanyahay in la dareensiiyo dadka xukunka u tartamaya.waana ku mahadsantahay.maqaalkaaga wuxuu isugu jiray taxadar,ilaalin masuliyeed,ka baqid fidno.ilaahay wuxuu yiri inalaaha yxubu macasaabirii,shacabka p/land dhibaatoyin farabadan ayay la kulmee tii dowlada somaliya,iyo tii burburka qabiil.wadada hada uu ku socda foorle waa mid higsasha leh marka loo eego xaalada somaliya ee maanta ka jirta.eebo niyadanada ha nooga dhig saan rabno oo ah, caadaalad,taxadar masuuliyeed iyo baqid cabsi ala,oo aan ku gaarno himiladeena.wabilaahi towfiq.waan ku mahadsantahay
advance media of p/land uk.